Video:-Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen Guddoomiyaha cusub, ayaa waxaa hor-tagay Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC).

Kulanka oo ay soo xaadireen 50 Xildhibaan, uuna Shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa Taariikh nolaleedkooda looga dhageystay 7 xubnood ee Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Puntland.

Intaas kaddib Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC), sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rashiid Yuusuf.

Guuleed Saalax Barre, Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC) ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ansixintooda, isagoona sheegay inay Guddiga ka go’an tahay hir-gelinta Nidaamka Dilmuquradiyadda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka