Dhakhtatiir ka socda Ururka Dhalinyarada Islaamka oo soo gaaray Puntland+VIDEO

Koox dhaqaatiir ah oo ka socotay Dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta lagusoo dhoweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Dhaqaatiirtaan oo si gaar ah uga socday urur ay ku midoobeen dhalinyarada Islaamka ee fadhigiisu yahay Sacuudiga, ayaa u yimid Puntland sidii ay howlo caafimaad oo bilaasha uga fulin lahaayeen Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso.

Masuuliyiin katirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi iyo Wasiiru-dowlaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dr. Cabdulfataax Nuur Ashkir, ayaa magaalada Garowe kusoo dhoweeyay.

Dhaqaatiirta oo isla maanta usii gudbay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa halkaas ka fulindoono Qalliinada casriga ee la yiraahdo Plastic Surgery iyo daawaynta cudurada guud.

Dhanka kale, imaatinka Dhaqaatiirta ayaa dhinac socda qalab caafimaad oo ay u wadeen isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo kasoo kabanaya dhibaatadii kasoo gaartay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay 21-kii August ee sanadkii 2016.