Dooni siday Qaxooti cusub iyo Soomaali kasoo qaxay dagaalada Yemen oo soo gaartay Boosaaso+Sawirro

Dekedda wayn ee Magaaladda Boossaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, waxaa maanta soo gaaray Dooni siday Qaxooti cusub iyo Soomaali kasoo qaxay dagaalada ka socda Dalka Yemen.

Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan qaabilida iyo soo dhawaynta qaxootiga iyo Soomaalida kasoo noqonaysa colaaada ka socda Dalka Yemen, ayaa kusoo  Dekada Magaalada Boossaaso kusoo dhawayey Doonidan siday Qaxootiga iyo Soomaali Dalkooda dib ugu soo laabaysa, Dadkaan oo iskugu jira qaybaha Kala duwan, sida Rag, Dumar, Caruur Iyo Waayeel.

Dadkaan iskugu jira Soomaalida iyo Ajnabiga ayaa waxaa Gacmo furan kusoo dhaweyey Madaxa Xerada qaxootiga ee Magaalada Boossaaso, kuwaasi oo dekada ugu diyaariyey Adeegyada assaasiga ah iyo gawaari lagu qaado Dadkaasi si ay u Gaaran Xerada Qaabilada qaxootiga iyo gudaha Magaalada.

Tan iyo markii ay bilaabatay Colaada Dalka Yemen ayaa Degaanada Puntland waxaa soo gaarayay Soomaali kasoo cararaysa dagaalada Yemen iyo Qaxooti u dhashay Dalkaas, kuwaas oo Dowladda Puntland soo dhaweysay, Sidoo kalena ay u sameysay dib-u-dajin.