Gaalkacyo: Galmudug oo diiday inuu gudbo Gargaar ay Puntland u dirtay Beledweyne

Waxaa maalintii Sadexaad ku Xaniban Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug 21 Gaari oo Gargaar u wada Magaalada Baladwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan oo saameysay Fatahaada Webiga Shabelle.

Gaadiidkan oo ay u dirtay Beledweyne Dowladda Puntland uuna dhawaan ku saagootiyey Magaalada Garoowe Madaxweyne Deni, ayaa la sheegay in Galmudug ay ka rabto Canshuur.

Gadiidlayda wada Gargaarkan ayaa diiday inay bixiyaan Canshuurta Galmudug ka rabto, iyagoona ku doodaya inay gargaar wadaan oo Xumuulka ay wadaan uusan ahayn mid Ganacsi.

Gadiidkaan Gargaarka sida ee Gaalkacyo lagu xanibay ila hada kama aysan hadlin Galmudug iyo Dowladda Puntland oo gaargaarkan iyadu dirtay.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.