Wasiir Dhabancad: Waan xalinay tabashadii Ciidankii galay Boosaaso+VIDEO

Dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Xiisaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland iyo Sidda loogu guuleystay in lasoo Afjaro.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay  ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha Magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen.

Wasiir Dhanancad ayaa sheegay in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen Magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha Magaalada mudadii ay ku sugnaayeen.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xusay in Mas’uuliyiinta Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada  ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen Ciidanka Dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

Ciidankii Magaalada Boosaaso xoogga kusoo galay ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Carmo oo markii hore ay ka yimaadeen.