Xilka qaadista Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay.

Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas oo ceeb iyo xadgudub ku ah dastuurka Mareykanka.

Waxaa ay sheegtay in Trump intii ay ahayd safiirka Mareykanka ee Ukraine uu ku aflagaadeeyay barta Twitterka, islamarkaana uu qoray “meelkasta oo ay tagto Marie Yovanovitch  wey xumaataa sida Soomaaliya iyo Ukraine”, hadalkaas oo hadda qeyb ka ah dacwadda ka dhanka ah Trump.

Marie Yovanovitch, ayaa sheegtay in ay la mid tahay diblomaasiyiinta Mareykanka ah ee daafaha Caalamka loo diro islamarkaana aysan awood u lahayn in ay xumeyso dalalka ay wakiilka uga tahay Mareykanka.

Guddooiyaha Guddiga sirdoonka aqalka hoose Adam Schiff, ayaa farriinta Twitter-ka ee Trump ka hor aqriyay golaha waxaana uu Safiirka hore weydiiyay in ay jawaab ka bixiso.

Waxaa ay tiri “Ma u maleynayo in aan leeyahay awoodahaas, Muqdisho Soomaaliya, ama xitaa meel kale, runtii waxaan aaminsanahay meelaha aan aniga iyo dibloaasiyiinta kaleba ka soo shaqeynay in aan wanaag dan u ah Mareykanka ku kordhinay”.