Xiriirkii Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta Oo isku soo dhawaansho laga dareemayo

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dalkiisa ku mashquulsanayn in ay iska hor-yimaadaan Soomaaliya,mar uu uwaramay Wargeyska ‘Han’

Gargash waxuu sheegay in weli uu furan yahay albaab ay isku fahmi karaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

“Weli waxaa banaan fursad ay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ku wadaagi karaan diblomaasiyad, anagu marnaba ma raadineyno isku dhac.” ayuu yiri Wasiir Gargaash.

Markale isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yir.i,,“Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed caqli gal ah, nabad ah, islamarkaana la joogteyn karo,”.

Hadalka Wasiir Gargaash,waxuu imaanayaa,iyadoo ay soo baxayeen warar hoose oo tilmaamaya in uu jiro isku soo dhawaansho Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta,kadib madmadow isa soo taraya oo soo dhexgalay Qadar,waxayna xogahaas sheegayaan in Khayre iyo Fahad Yaasiin ay si hoose uwadaan olale ka dhan ah isaga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi,ayaa shalay kulmay,waxuuna kulankaas muujinayaa in uu jiro isku soo dhawaansho.