Video:-Diiwaan-gelinta casriga ah ee Ciidanka Puntland oo ka bilaabatay Badhan

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta daahfuray diiwaan-gelinta habka Casriga ah ee Ciidamada.

Gudoomiyaha Golaha Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxaa daah furkan ku wehlinayey gudiga dib u habeynta Ciidamada iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.

Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee ka howlgala Degmooyinka Gobolka Sanaag ayaa maanta lagu bilaabay habkan, oo sahlaya in si hufnaan-leh ay Ciidamadu ku helaan xuquuqdooda.

Halkan ka daawo muuqaalka