Shirka Ururka D/hoose ee Puntland oo ka furmay Boosaaso (VIDEO)

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ka daahfurtay Shirka sanadlaha ah ee Ururka Dawlada Hoose ee Puntland (ALGABAL), Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mohamed Dhabancad iyo Agaasimaha Guud Juba Ali Nuur ayaa ka qaybagalay shirkaan.

Maamulada Degmooyinka Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari Abdisamad Abwaan iyo masuuliyiin kale ayaa dhankooda iyaguna goob joog ka ahaa.

Inta uu shirkaan socdo waxaa looga hadli doonaa baahiyaha ka jirra degmooyinka Puntland, Guulaha la gaaray sanadkii lasoo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha sanadka soo socda.