Dawlada Maraykanka oo u hanbalyaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay

Dowladda Mareykanka ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudnae Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyagoo bogaadiyay Xildhibaannada labada aqal ee codka kalsoonida ah ku doortay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykankanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay soo dahweyneyso Madaxweynaha cusub ee la doortay, waxaana ay sidoo kale bogaadin u direen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Guddiga dooorashada oo door ka qaatay dhismaha dowladda cusub.

War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Mareykanka uu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhiirigelisay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu tallaabo la aamini karo uu u qaado sidii uu uga taqalusi lahaa musuq-maasuqa iyo sidii uu u sameyn lahaa hey’ado xoog leh oo kasoo shaqeeya doorashooyinka soo socda, si loo suurageliyo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020-ka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu Madaxweynaha iyo dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeyn doono gurmad u fidinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, amniga, dib u heshiisiinta iyo dhisida hey,ado xoog leh oo fuliya dowlad wanaag iyo horumarinta Umadda Soomaaliyeed.

3 Comments on "Dawlada Maraykanka oo u hanbalyaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay"

  1. Weeymahsdsantahay dowlada mareekanka

  2. Dowlada mareykanka si daacnimo kujirto oon aheeyn lawma medebleeyn hanagula shaqeyso

  3. Xuquqdireer muqdisho meelhalagusheego

Leave a comment