Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan la qaatey safiiro ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating.

Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyey dhambaalo hambalyo ah oo ay uga sidaan dalalkooda waxaana ay ballan qaadeen in ay daa’imsan yihiin taageerada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha cusub ayaa safiirada kala hadley xaaladda abaarta ee iminka ka taagan dalka Soomaaliya, taasi oo beesha caalamku wel-wel xooggan ka soosaareen in ay dalka Soomaaliya markale ka dhacdo macaluul lamid ah tii sanadkii 2011.

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka"

Leave a comment