Maxkamada Sare ee Kenya oo laashay go’aankii Qaxootiga Somalida looga rayay xeryaha Qaxootiga

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay in ay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, dibna ugu celiso qoxootiga halkaas ku nool dalka Soomaaliya.

Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn oo ka hor imaanaya sharciga dalka, waxaana ay sidoo kale sheegtay in go’aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga.

‘Go’aanka dowladda wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka sooq aaday mid aan waxba ka jirin”, ayuu yiri John Mativo, xaakimka maxkamadda sare.

Bishii May ee sanadkii tagay ayaa wasiirka amniga ee Kenya wuxuu shaaciyey in Kenya ay albaabada u laabi doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti ah.

Markii hore qorshuhu waxa uu ahaa in xeradaasi la xiro dabayaaqadii bishii Nofeember, balse Kenya ayaa sheegtay in muddo lix bilood ah ay ku kordhisay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay u qabatay in la xiro xeryaha qaxootiga.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee sida Human Right Watch iyo Amnesty international ayaa soo dhoweeyey go’aanka maxkamada waxa ayna sheegeen in uu yahay mid taarikhi ah.

Human Right waxay sheegtay in go’aanka maxkamada uu ka turjumayo in maxakmada ay doonayso in ay ilaaliso xuquuqda qaxootiga.

Kenya ayaa xeryaha qaxootiga sheegtay iay noqdeen meelo laga soo maleego weerarada argigixisada, gaar ahaan weeraradii ka dhacay dalka Kenya, eedeyn ay si xooggan u beeneeyeen qaxootiga iyo hoggaamiyaashooda.

Be the first to comment on "Maxkamada Sare ee Kenya oo laashay go’aankii Qaxootiga Somalida looga rayay xeryaha Qaxootiga"

Leave a comment