Ra’isalwasaaraha itoobiya oo u hanbalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

epa02916969 Ethiopian Foreign Minister Hailemariam Desalegn addresses a joint press conference after his meeting with his Egyptian counterpart Minister Mohammed Kamel Amr (not pictured) in Cairo, Egypt, 14 September 2011. Ethiopian Foreign Minister arrived on an official visit to Egypt on 14 September, days before the planned visit of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi who is due to meet with Egyptian officials. According to local media reports, the Nile Basin negotiations and the situation in Libya, Sudan and Somalia will be the main focus of the talks. EPA/MOHAMED OMAR

Sida ay baahisay wakaalladda wararka ee dalka Itoobiya ee loo yaqaan ENA,Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay dorashadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay madaxwenaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ra’isawasaare Hailemariam Desalegn,ayaa sheegay in  uu u hambalyeynayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya sidoo kalena ay dowladda Itoobiya la shaqeyneyso madaxweynaha cusub.

Hailemariam,ayaa intaas ku daray in doorashadii ka dhacday Muqdisho ay muujineyso in Soomaaliya ay cagta saartay waddada dibmuqraaddiyadda islamarkaana uu jiro biseyl siyaasadeed oo ay gaareen Siyaasiyiinta Soomaalida ah.

Ra’isalwasaraha Itoobiya oo dhawaan Wareysi siiyay TV-ga Universal,ayaa sheegay in ay jecleyd Itoobiya in uu soo laabto Xasan Sheekh,laakiin musharrixii kale ee guleysta ay la shaqeyn doonaan.

Xigasho:ENA

Be the first to comment on "Ra’isalwasaaraha itoobiya oo u hanbalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya"

Leave a comment