Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii xilka Madaxweynaha

Madaxweynaha cusub ee dalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho ah caawa la qaatay murashaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Somalia.

Kulan ka dhacay hotel Jazeera oo ah xarunta uu daganyahay mudane Farmaajo, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay mahad-celin ku aadan guusha doorashada laga gaaray iyo qaabkii uu Madaxweynuhu u dhiiri galin lahaa saaxiibadiisa garabka siiyay mudadii loollanku socday.

Inkastoo saxaafaddu dibadda ka joogtay cashadaas, hadana xogaha laga helayo  cashadaas ayaa sheegaya in xubnahaas kawada hadleen sidii horay loogu sii socon lahaa islamarkaana loo oofin lahaa in dalku yeesho xukuumad tayo leh oo wax ka qabata amniga, abaaraha iyo dib u hishiisiinta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in dhinacyadaas isla soo qaadeen sidii qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha isaga dhex-arki lahaayeen xukuumadda cusub waloow aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta arrintan.

Waa kulankii ugu horeeyay ee murashaxiinta ku bahoobay isbadal doonku yeeshaan doorashada Farmaajo kadib, waxaana lagusoo beegay maalin uun xilli dalka iyo dibadaba kasocdaan fantasiyo loogu dabaal dagayo guusha laga gaaray doorasho waqti badan qaadatay oo marxalado kala duwan lagasoo maray.

 

 

Be the first to comment on "Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii xilka Madaxweynaha"

Leave a comment