Uefa oo rabta in ay 16 kooxood uga qayb galaan Koobka Adduunka

ay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa dalban doonta in 16 kooxood ay uga qaybgalaan Koobka Adduunka ee 2026 marka kooxaha ka qaybqaadanaya ay noqdaan 48.

Uefa waxaa kale oo ay dalban doontaa in 16 kooxood ee uga qayb galaya wareegga koobaad in lakala ilaaliyo oo aysan isku aadin.

Qaabkan cusub ee Koobka Adduunka loo qabanayo ayaa loo kala qaybin doonaa 16 qaybood oo min saddex kooxood ka kooban, markaas oo 32-da kooxood ee isu soo hara ay ka qayb qaadan doonaan wareegga cidii badisaa ay u sii gudubto wareegga xiga.

Saddex iyo toban kooxood oo reer Yurub ah ayaa ka qayb galay Koobkii Adduunka ee Brazil ka dhacay 2014kii waxaana ku guulaystay Jermalka.

Madaxweynaha Uefa, Aleksander Ceferin ayaa sheegay in codsiyadan ay yihiin kuwo xaqiiqo ah, uuna doonayo in koox kasta oo Yurub ka socota ay ka soo gudubto wareegga koobaad.

Waxaa la filayaa in Fifa ay bisha shanaad xaqiijiso tirada qaarad kaste uga qayb gali doona Koobka Adduunka.

Ceferin ayaa hadalkaas ka sheegay kulan ay lahaayeen guddiga sare ee Uefa. Dhamaan xubnaha guddiga ayaana isku raacay qorshahaas

Be the first to comment on "Uefa oo rabta in ay 16 kooxood uga qayb galaan Koobka Adduunka"

Leave a comment