Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Safiirka Cusub ee Dawladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana kulanku uu yimi kadib casumaad uu safiirku u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Labada masuul ayaa si qota dheer uga wada hadlay xiriirka labada dhinac, arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo isbeddelka cusub ee ku yimi hogaanka Soomaaliya, abaaraha, ammaanka, dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga waramay xaaladaha abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in Dawladda Ingiriisku ay gacan ka geysato arrimaha abaaraha iyo sidii loo taakulayn lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntlnd uga mahad celiyay sidii uu u aqbalay kulankooda, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda Ingiriisku ay soo dhoweynayso isbeddelka cusub ee ku yimi dhinaca siyaasadda Soomaaliya, Sidoo kale safiirka ayaa ballan qaaday inuu tagi doono deegaanada Dawladda Puntland.


–DHAMMAAD–

Xafiiska, Warfafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka e Madaxtooyda DAwladda Puntland.

 

Be the first to comment on "Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Safiirka Cusub ee Dawladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya."

Leave a comment