Ninku Waa Bar, Gabadhuna Waa Barka Fiican oo Ninka Kaamisha.WQ.Abdihakim H. Hersi

Ninku Waa Bar, Gabadhuna Waa Barka Fiican oo Ninka Kaamisha

 

Waxaan si weyn usoo dhaweynayaa una taagyeerayaa xukunkii lagu riday 5ta wiil oo falka foosha xun oo waxashtinimada ah u geystay laba gabdhood oo ka mid ah ubaxa soo koraya. Waxaan sidoo kale bogaadin u dirayaa dhamaan intii ka qayb qaadatay in arrintaan si xaq iyo cadaalad ah lagu soo afjaro oo ay ka mid yihiin Culimada, wax garadka, iyo maamulka Dawladda Puntland.

 

Haddii ciqaabta inta ayna dhicin wax la iga weydiin lahaa, waxaa dhici kartay inaan iraahdo ha la marsiiyo ciqaab ka adag midda hada lagu xukumay. Waayo, gabdhaha la faraxumeeyey waxay iila mid yihiin taan dhalay iyo kuwo kaloo badan oo ila dhashay. Qof kaste oo damiir lehna waan qabaa inuu dareenkaas oo kale qabey. Balse waxaan nasiib wanaag noqotay in culimada arrintaan xilka iska saartay ay dareemkoodii shakhsi ahaaneed meel iska dhigeen, isla markaasna iyagoo Shareecada Islaamka raacaya ay gabdhahana xaqoodii u xukumay, wiilashana marsiiyey ciqaabtii ay mudnaayeen sharciga hortiisa. Ogow qofka danbilaha ah haddii lagu xukumo ciqaab ka badan tan sharcigu qabo, qudheedo waa cadaalad daro.

 

Gabdhuhu wey na dhaleen, wey nala dhasheen, weyna inoo dhaxaan. Umalayn mayo inuu jiro nin raali ka noqonaya in la fara xumeeyo hooyadi, walaashi, ama xaaskisa. Sidaas awgeed waa lagama maarmaan, marka laga reebo damac guur, in ragga dhalinyarada ah ay gabdhaha uula dhaqmaan sidii hooyadood ama walaashood oo kale, ragga waaweyna ay ku daraan dhaqankaas sidii gabadhooda oo kale.

 

Waxaan kaloo qabaa in ninka ragga ah uusan kaamil ahayn, gabadhuna aysan ahayn oo kaliya barka kaamilaya, balse ay tahay barka fiican oo ninka kaamisha. Marka ad fiiriso guri walba, ha ku yaalo miyi ama magaalo, waxaa maamule ka ah qof dumar ah. Ma aha oo kaliya inay maamule ka tahay, balse waxay tahay mid shaqaysa 24/7, isla markaasna an wax mushahaar ah lagu siin.

 

Marka ad fiiriso marxaladda maanta ay Soomaliya ku jirto, oo ay ka dhaxashay burburkii dhawr iyo labaatan sano ka hor, waxaa dhacday in dad badan oo rag iyo dumarba leh ay qaxooti ahaan ku galeen wadamo badan oo u badan reer galbeedka. Dhaqaalaha ay dadkaasi u soo diraan weeye waxa ay umad badan oo dalka gudihiisa ku jirta ay ku caynteen, tan Ilaahay ka so kow. Dadka wax soo diraya oo intaa xawaaladaha taagan waxay u badan yihiin dumar. Oo waxay u badan tahay gabadhu haddii bishii $500 soo gasho, inay $100 boqol reerkooda u dirto bil walba. Wiilka waxaa laga yaabaa haddii $1000 soo gasho bishii, inuu markuu balaayo dhigo mar iyo labo sanadkii soo xuso reerkooda.

 

Gabogabo:

 

  1. Dumarka an sifooyonkaas kore iyo in ka badan inoo leh waxay naga mudan yihiin daryeel wanaagsan iyo in loola dhaqmo si ixtiraam iyo sharaf ku jirto.  Waxay inaga mudan yihiin in xaqooda loo ogolaado marka ay noqoto dhanka a) waxbarashada, b) shaqooyinka, c) magacaabista xilalka saree e dawladda, iyo d) doorashada xildhibaanada aqalka sare iyo kan hooseba.

 

  1. Waxaan kaloo soo jeedin lahaa marka ay noqoto dhanka saxaafadda iyo inteena kaleba inaan gabdhaha lagula kaco falkan oo kale magacyadooda iyo masawirkooda lagu soo daabicin saxaafada, lagana sheegin idaacadha codka.
  2. Kufsiga gabdhaha waa fitin. Ilaahayna Quraankiisa wuxuu noogu sheegayay in fitinku ka daran yahay dilka. Waayo fitinku haddii an talaabo adag laga qaadin oon an la isku dayin in la dabar gooyo, waxaa dhici karta in fitinkaasu mujtamacaas halaag u horseedu oo u marka danbe iyada dabar gooyo. Yaan marna la aqbalin in labo reer kawada xaajoodaan fitinka noocan oo kale.

 

  1. Wiilasha ciqaabta la marsiiyey waxaa uugu muhiimsan xariga sanooyinka ah oo ay xoriyadoodii ku waayeen. Xarigaasi waa inuu noqdaa mid an reerka gabdhana aynan cafin karin, Madaxweynaha Dawladuna uusan cafin karin, oo qofka danbigaas oo kale lagu xukumo uu wada dhamaystaa.  

 

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

Abdihakim H. Hersi

Dhagaseynblog.wordpress.com

ahhersi@outlook.com

 

Be the first to comment on "Ninku Waa Bar, Gabadhuna Waa Barka Fiican oo Ninka Kaamisha.WQ.Abdihakim H. Hersi"

Leave a comment