W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

BILICDA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  MIYAA LAGA QUUSTAY.!!!!!!!! W/Q:GUURE

Maqaalkan waxaan diirada ku saari doona sida magaalooyinka Soomaaliya ay ugu baahan yihiin qorshe bilic dhowr iyo qashin tuur wanagsan oo deegaanadaas ka caawiya bilicda iyo muuqaalka.

Waa sidee bilicda magaalooyinka Soomaaliya?

Waxaan daah saarnayn in bilicda magaalooyinka Soomaaliya ay si wayn u kharibantahay, waxay indhahaagu qabanayaan afaafka magaalooyinka waaweyn oo qashin tuuran yahay , tan ayaa saacidaysa in magaalooyinku ay waayeen bilicdii iyo quruxdii magaalonimo oo ay istaahilaan in ay yeeshaan. Waxaa fagac iyo yaab ah in marka aad galaysid afaafka magaalo waawayn oo kasta oo Soomaaliya  ku taala aad la kulmaysid wax aad u fool xun oo runtii xita suurta galin kara in aad sawir fool xun ka qaadatid magaaladii aad u riyaaqsanayd, tan ayaa u baahan in wax badan laga taxadaro oo wax badan laga qabto runtii.

Side xal loogu heli  karaa dhowridda billicda magaalooyinka?

Abuurida shirkado qashin tuuris(waste disposal companies) iyo qorshe dagsan oo lagu dhowrayo bilicda magaalooyinka  ayaa ah xalka ugu cajiibsan oo haddii la helo aan rumaysnahay in wax badan ay iska badali karaan bilicda magaalooyinka, haddii ay suurta gasho abuurida shirkado howleedka noocan oo kale ah waxay ahaan doonta fursad dad badan u noqon karta shaqo abuur xoog leh, ganacsatada ayaan aad ugu dhiiri galinayaa in ay suurta galiyaan firkadaan ganacsi oo aad u caawin doonta suurta galinta bilic qurxoon oo ay yeeshan magaalooyinku qaybna ka ahaan doonta shaqo abuurka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dadkeena.

In dadka lagu baraarujiyo in ay ka qayb qaataan dhowrida bilicda iyo muuqaalka magaalooyinkooda ayaa saameyn wayn yeelan karta, baraarujintan oo la mariyey warbaarinta noocyadeeda kala duwan ayaa saacidi karta dhowrida bilicda magaalooyinka, aan idinla wadaago sheekadan:

‘’Waxaan xili habeenimo ah dhex soconayey gudaha mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, waxaa dariiqa I hor socday labo dumar ah oo shay aan u maleeyey jawaan wax ku jiidayey, wax yar haddii aan soconay waxay ugu baaqday mid ka mid ah gabdhuhu tii kale in ay tuurto jawaanka, hadalka ay adeegsatay ayaa aad iiga yaabiyey waxay ku tiri: “abaayo halkaan ayaa lagu tuura qashinka”.meesha ay u tilmaamayso ayaa ah xaafado dhexdood, wallow qashin hore uu yaalay hadana sii wadida ayaa ah wax fool xun, tan waxa looga hor tagi karaa in dadka lagu baraarujiyo in ay masuuliyad iska saran dhowrida bililcda magaalooyinkooda.’’

Dowladaha hoose ayaad mooda in ay kaalintoodii gabeen, ka qaybqaashadada dowladaha hoose ee dhowrida bilicda magaalooyinka ayaa macno wayn samaynaysa, dadka ayaad mooda in badankood ay yihiin ilku garaadle taas oo khasbaysa marba haddii dowlidii hoose ka seexatay in ay iyaguna ka seexdaan.  Is xilqaan la’aanta bulshadeena ayaa aad u caawinaysa arintan, taas oo haddii ay dawladaha hoose qaban waayan shaqada khasbaysa mid  sii xumaysa  bilicda magaalooyinka, waaxaha fayo dhowrka iyo bilicda magaalooyinka ayaa masuuliyad wayn oo aad moodid in ay gabeen ka saaran tahay dhowrida bilicda magaalooyinka.

Guntii iyo gabogabadii  waxan rumaysnahay haddii la suurta galiyo dhamaan hal qabsiga aan kor ku soo xusnay in ay suurta gal tahay in la helo magaalooyin bilicdoodu aad u sarayso oo waliba aad u qurxoon soona jiita indhaha bulsho waynta.

Wabilaahi towfiiq

Mahadsanidiin

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

Email:abdelrahmangure@gmail.com

Be the first to comment on "W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)"

Leave a comment