Farmaajo oo markii ugu horaysay booqday Madaxtooyada Villa Somaliya isagoo Madaxweynaha

Madaxweynaha sida lama filanaka ah lagu doortay ee J.F.S Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqdey xarunta madaxtooyada, halkaasi oo uu ku soo dhoweeyey Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Madaxweynaha cusub, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, waxa uu uga mahadceliyey booqashadiisii ugu horreysay ee Madaxtooyada uu ku yimaado ka hor caleema-saarka Madaxweynaha.
 
Si guud ayey uga hadleen labada mas’uul marxaladihii adkaa ee uu dalka soo mara afartii sanno ee uu xalka hayey Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Kulanaka ayaa waxaa looga wada hadlay qaban-qaaban munaasabadda Caleema-saarka iyo xiliga ay dhici doonto,
 
Farmajao ayaa u mahadceliyey maamulka madaxtooyada muddadii ay soo shaqeeyeen iyo waxyaabaha ay dalka u qabteen.

Be the first to comment on "Farmaajo oo markii ugu horaysay booqday Madaxtooyada Villa Somaliya isagoo Madaxweynaha"

Leave a comment