Ma dhabaa in farmaajo u sheegaya Beesha caalamka in aysan lakulmi karin madaxda D.Goboleedyada?

Madaxweynaha sida lama filaanka ah ku helay codadka Xildhibaanada Fadaraalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay wakiilada Beesha caalamka ayaa xogo hoose oo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in Farmaajo u sheegay wakiilada ee uu lakulmay in aysan mar danbe awood u lahayn in ay toos ula kulmaan madaxda Dawlad Goboleedyada Dalka.
 
Kulanka farmaajo iyo wakiilada Beesha caalamka oo ka dhacay Aadan Cade Airport maalin kadib doorashadisii lama filaanka ahayd, ayaa sida xogtu sheegayso waxaa la yaabay hadalka Farmaajo wakiiladii Beesha caalamka ,iyagoo u arkay go’aan degdeg ah oo aan somaliya horay usii wadayn,isla markaana is waydiiyay Madaxweynaha shalay la doortay oo ay u taal hawsha baaxada leh in uu ku mashquulo waxaan Umadan dhibaatadu daashatay wax u tarayn,balse taa badalkeeda sii kala qaybinaya.
 
Wakiilada beesha caalamka ee la kulmay Farmaajo ayaa iyagoo yaaban waxay si degan ugu jawaabeen Madaxweyne farmaajo,waxayna ku yiraahdeen waa ka fiirsanaynaa haday suurtagal tahay.
 
Hadaba Farmaajo oo ah nin deg deg badan oo aan siyaasi ahayn,isla markaana xaalka Somaliya wax badan aan kala socon, ayaa dadka wax qiimeeyaa waxay sheegayaan in hadalkan uu yahay mid kasoo bixi kara farmaajo.
 
Hadii ay dhab noqoto in farmaajo hadalkaa ku yiri Beesha caalamka waxay soo dadajin doontaa fashilka Dawladiisa aan hadaba awooda lahayn ee lagu doortay xamaasada.sidoo kale waxay sii kala fogayn doontaa Umada Somaliyed.
 
Dhanka kale waxay khatar ku tahay nidaamka Fadaraalka ee Dalka iyo wada shaqaynta Dawlada dhexe iyo Dawlad Goboleedyada.
 
 
jibril Qoobey.

1 Comment on "Ma dhabaa in farmaajo u sheegaya Beesha caalamka in aysan lakulmi karin madaxda D.Goboleedyada?"

  1. Cada qaate Calan kiisi waa dhacey Shakhsiga Qormadan lahaw waxaad tahey Hooyadii dile Duliya oon garasho iyo dadnimo midina aney habeen na hareer marin kala fariista dadka walaalada ah waxad ka dhex wadaan rabi adun iyo aakhiroba idin doori oo idiinma naxareestee.

Leave a comment