Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Shan Qodob Oo Ku Socda Dalalka Carbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha dalalka carabta ee ka howlgala caasimadda iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu gudoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxda dalalkooda, ayna ugu bogaadiyeen xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagayaan dowladdiisa oo heysata taageerada shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay danjirayeyaashaasi iyo wafdiga Jaamacadda Carabta booqashada ay ugu yimaadeen iyo yididiilada ballaaran ee ay u muujiyeen iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya mudadii qaran-burburka, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha “Nabad iyo Nolol” oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol leh kobac iyo horumarin.

Madaweynuhu, waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda wadamada Carabta, isaga oo u sii marsiinayay Danjirayaasha iyo Wafdiga matalayay Ururka Jaamacadda Carabta, waxaanu ahaa sidatan :

1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.

2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .

3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.

4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.

5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

Kulankani oo ku dhammaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

 

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Shan Qodob Oo Ku Socda Dalalka Carbeed"

Leave a comment