Maxaa kala socotaa qorshaha Kooxda Farmaajo ee ku wajahan Puntland ?

Xogo lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Xaafiiska Madaxweynaha sida lama filaanka ah kusoo baxay ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa sheegaya in la dajiyay qorshihii siyaasadeed ee uu ku shaqayn lahaa Farmaajo 4-ta sano ee soo socota.
 
Hadaba qorshahan oo aad u badan qaybo badana leh ayaan idin la wadaagnay qaybta Puntland iyo qorshaha farmaajo.
 
Qorshaha Farmaajo ee Puntland ku wajahan afarta sano ee soo socota ayaa lagu soo koobay si guud sadex qodob oo kala ah:-
 
B.In lawiiqo awooda Dawlad Goboleedyada oo ay dawlada dhexe toos u hoos yimaadaan ,kuwaasoo Puntland ay hooyo u tahay.
 
T.In Barabogaando lagu buun buuniyo Faramaajo,isla markaana Cabadiweli Gaas lagu macaaradayo laga hirgeliyo puntland.
 
X.In Puntland laga hirgaliyo hay’ad Samafal ah oo lagu magacaabo Ganbool  si loo kasbado quluubta shacabka.
 
 
Hadaba qorshayaashan ayaa kooxda ku wareegsan farmaajo oo ah koox aad uga soo horjeeda nidaamka fadaraalka ah nacayb gooniyana u haya Puntland iyo dadkeeda waxay uga dan leeyihiin in lagu burburiyo nidaamka Dawladnimo ee Puntland ama lagu wiiqo oo la hoos keeno Dawlada Xamar ee aan ku filnayn maaraynta Dekeda iyo garoonka Muqdisho.
 
Farmaajo iyo kooxdiisu waxay si cad uga soo horjeedaan nidaamka Somaliya hada ka hirgalay,waxayna niyada ku hayaan in ay dib usoo ceshaan nidaamkii Xamar toos loogu hoos imaanayay ee ahaa wax walba Muqdisho,iyagoo ka duulaya hirgalinta aragtidooda waxay Puntland u arkaan Dawlada kaliya ee ka hor istaagi karta hirgalinta aragtidooda.
 
Waxaa muhiim ah in Maamulka Gaas oo aan ogahay in ay xogahan gaareen ay deg deg uga hawlgalaan ka hortagideeda,sidoo kale siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland waa ina ay qaybtooda ka qaataan ka hortagida hagardaamada kooxda Farmaajo ee Puntland kusoo wajahan.
 
 
 
Jibril Qoobey.

9 Comments on "Maxaa kala socotaa qorshaha Kooxda Farmaajo ee ku wajahan Puntland ?"

  1. Beenta iyo barabagaandada daaya walalayal qawaaniin iyo sharci aya lagudhaqmaaya puntland dowlad maaha ee wamamul sidaas dardeet haddi ladoonaayo hormar iyo cadaalad ayaa deeqdo umadda somaliyeed ciid dan gooni ah oogujirto maleh iyo gobal in bulshada qaybna laburburiyo qaybna ladhiso sidaas darteed kadaayo warxuma tashiilka aad ugudbinaysaan bulshada

  2. Nacalaa caqliga meesha ku qorteen ku yaal waxaad tihiin dad jiran oo aan soomaalinamadu deeqin.

  3. Walaal anigoo ka mid ah Dadka Reer garowe waa dhamaatay xilligii dadka la isku diri jiray adeer kuwa maqaalka qoray waa kuwo qalbiga ka jiran ma rabaan in la isku yimaado waxaan leeyahay wiilka maskaxdu ka gashay maamul goboleed ma jiri doono dawlad soomaaliyeed baan rabnaa

  4. Allow sahal amuurah
    Waxaan ku talin lahaa in la
    taageero rajada wanaagsan ee dadka u muuqata hadda

  5. Mohamed Puntland | February 13, 2017 at 4:34 pm |

    Dadka Puntland waxay taageersanyahiin Mad. Farmajo. Qoraalka wakhti baa kaaga lumay ee caqli kaagama bixin, wax saamayn ahna yeelan maayo IA. Calooshada unbad ka hadashay. Mad. Gaasna u suuroobi mayso dadka inuu been ku kiciyo lana baray ee dadkiina dhinac ka raaca.

  6. Puntland Waa soo dhaweysay farmaajo… Lkn Haddii..sidii caadadu u ahayd qalooyinka neceb puntland… Ay isku dayaan in PL geeska ay galiyaan… Dee markaas NINKU isagaa Ku BANJARI DOONA!

  7. Haddii dowladan loo adeegsado in, .. In Dad gaar ah lagu waxyeeleeyo… Iyadaa.. Ka war keeni doonta…FARMAAJO wuxiu la yimaado ayaa wax loogu qaybinayaaa….LAGA HOR DHICI MAAYO!..

  8. dadka raba inay puntland iyo dawladooda somaaliya madaxa isku galiyaan adeer wax idiin suurta galaya maahan waa midda kalee somaliland iyadu xagee kabaxday iyadaaba kadaran puntland oo leh waan go.naye waxaa hala iska ilaawo somaliyeey doowladbaa inoo dhalataye yaan fursadaa laiska khasaarin waan mahad santihiin dhamaantiin

  9. somaaliyey gacmo wadajir bay wax kugoo yaan madaxwaynihiina yaan laidinku diri burbur iyo dagaalo naguma cusba ee yaan lagu dhaqaaqin waxaan noohaboonayn

Leave a comment