Madaxweyne Farmaajo oo amar ku bixiyay in aan wax lacag ah laga saari karin Bankiga Dhexe

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa soo saaray amar culus oo ku saabsan kharashaadka dowladda Soomaaliya.

Amarkan ayaa si toos ah uu socda Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxda Bankiga dhexe ee Soomaaliya isagoo ku saabsan lacagaha kharashaadka dowladda Soomaaliya ee laga bixiyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Bankiga Dhexe ku amray inaan wax lacag ah laga bixin karin ilaa amar dambe, iyadoo amarkan uu bilaabanayo maanta oo ay bishu tahay 12 Febraayo 2017. Waxaana amarkan uu yimid iyadoo uu hore u jiray amar noocan oo kale ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) xiligii ugu danbeeyay ee Doorashada.

Ujeedada amarka madaxweynaha Farmaajo ee lagu joojin in Bankiga Dhexe laga bixiyo wax lacag ah ayaa la sheegay in looga hortegayo musuqmaasuq ka dhaca kharashaadka dowladda xilliga kala guurka ah.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelan doonto lacagaha ku xarooda Bankiga Dhexe ee ilaha dowlada ka yimaada, waxaana la ogyahay in lacago badan aanay Bankiga ku jirin xilligan

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo oo amar ku bixiyay in aan wax lacag ah laga saari karin Bankiga Dhexe"

Leave a comment