SIR CULUS DAMJADIIDKII 2aad WAA URUR CUSUB, OO FARMAAJO LACAGTA KA BAXSHAY!!!!

Allow aysan naga noqon Kud-ka-guur oo Qanjo-u-guur by Ingiriis
 
 
Weli waxaa lagu dhex jiraa (election coma), lagamana soo kicin suuxdintii dhacday 8-da bisha. Hase ahaatee, waxaa hoosta ka shaqeysanaya kooxihii iyo kuwii weligood ka dhex shaqeysan jiray Muqdisho dhexdeeda ee danahooda dhaqaale ka hormarin jiray danaha danyarta.
 
Waxaan caawa dib u akhristay Lévi-Straus’s structuralism and structural anthropology, si aan ugu fahmo waxa Xamar ka socda illaa iyo Arbacadii, una qiyaaso waxa ka dhalan doona ololaha hoose ee socda iyo cawaaqib-xumada laga dhaxli doono.
 
Muddo 24 saac kaddib, waxaa ii suura-gashay inaan si fiican u fahmo political possibilities and power structure-ka Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddii aan taas la fahmin, lama fahmi karo qodxaha horyaalla hoggaanka cusub oo ay tahay inuu si xeelad leh kaga gudbo, si aan ku dhisneyn caadifad – nin-jecleysi iyo nin-necbeysi.
 
Waxaa soo baxday in saddex kooxood ay ku hareereysan yihiin Farmaajo oo ay isku herdinayaan inay mid walba iyadu keensato Ra’iisal Wasaaraha cusub kuwaasoo kala ah:-
 
 
(1) Kooxda koowaad waa Kooxda Daljir oo ku doodaysa inay codeyntii kula shirkoobeen Farmaajo,
 
(2) Kooxda labaad waa Kooxda Ictisaam oo ku doodaysa inay dhaqaalihii ku baxay iyagu ka keeneen wadammada Carabta,
 
(3) Kooxda saddexaad waa koox qabiil isku urursatay oo leh ‘annagaa kugu tol ah oo dhiiggaaga leh’.
 
Labada koox ee dambe wey ka shiddo yar yihiin kooxda koowaad, sidaas awgeed gadaal ayaan iyaga ka qiimeyn doonaa oo mar kale ayaan uga digi doonaa shacabka Soomaaliyeed, haddii Alle idmo. Haddase, waxaan ka digi doonaa halista kooxda koowaad oo aad u neceb wax kasta oo ka hor imaanaya danahooda gurracan.
 
 
Hadaba talada farmaajo ku socotaa maxay tahay:-
 
Marka koowaad, waa inuu Farmaajo ka taxaddaraa inuu aqbalo damaca Daljir ay ku doonayso inay ku keensato Ra’iisal Wasaare, iyadoo haddeer ay laba nin magacyadooda gudbisteen.
 
Arrintaas waxay muujinaysaa in kuwa la baxay Daljir oo ah Aala-Sheekhdii hore aysan ahayn dad mideysan sidii Damuljadiid.
 
Daljirku waa dallad danleey ah oo uu nin walba doonayo inuu danihiisa ka dhex fushado. Waxaa caddaan ah in Daljir ay doonayaan inay u dhaqmaan sidii Damuljadiid. Isbeddelkii aan doonaynay ma ahayn in Daljir ay noo beddesho Damuljadiid. Sidaan wada ognahay, Daljir wey ka sii maafiyeysan yihiin Damuljadiid. Runtu waxay tahay, Damuljadiid ayaa i qarso noqonaysa haddii Daljir sida ay doonayaan loo yeelo. Waa inuu Farmaajo xusuusnaadaa in Damuljadiid ay ka xishoon jireen inay keensadaan Ra’iisal Wasaare iyaga dhexdooda ka yimid.
 
Hadduu Farmaajo gacanta u galo Daljir iyo wixii la mid ah, waxaan ugu baaqi doonaa shacabka Soomaaliyeed inay candhuuftooda dib u liqaan oo ay ka dhiidhiyaan inay noqdaan shacab hungoobay. Soomaalidu waxay tiraahdaa, ‘Hal dhukani abaar moog’.
 
Waxaan wada ognahay in Daljir iyo Damuljadiid ay weligood hoosta isaga xirnaanaayeen. Damuljadiid oo kala daadatay, wixii ka haray, waxay shalay ku heshiiyeen inay ku biiraan oo ku dhex gabbadaan kooxda Daljir. Si kale haddii aan u dhigo, Damuljadiidkii jabay waxay ku hoos dhuuman doonaan Daljir.
 
Dhanka shacabka, Farmaajo wuxuu abuuray high expectation lama filaan ah. Haddaba, si aysan u dhicin qalbi-jab iyo niyad-xumo, waa inuu ka taxadaraa inuu ku dhaco godkii uu ku dhacay hoggaankii isaga ka horreeyey ee sida foosha xun u fashilmay. Sida muuqata, dadweynihii Soomaaliyeed si weyn ayay u soo dhoweeyeen doorashada madaxweynaha cusub. Sidaan habeenkii doorashadu dhammaatay u sheegay Somali National Television oo wareysi live ah iga qaaday, waxay u egtahay in xilliga honeymoon-ka uusan dheereyn. Wixii uu Farmaajo ballan-qaaday oo ay ka mid ahayd mushaarkii ciidammada ayay noqon doontaa in lagu bixiyo si degdeg ah, iyadoo lagu xisaabtamayo saddexda ilood ee dhaqaaluhu ka soo galo dowladda.
 
Shaki iigama jirto inay Itoobiya ka shaqeyn doonto hagardaamada Farmaajo iyo dowladdiisa. Waxay Itoobiyaanku isticmaali doonaan Daljir iyo Damuljadiid oo wada socda, waxayna ku shirin doonaan Kenya, halkaas ayaana laga abaabuli doonaa dhaqdhaqaaqii lagu cuuryaamin lahaa Farmaajo. Su’aashu waxay tahay, ma jirtaa hab looga gaashaaman karo? Haa weeye su’aashu. Ma keeni karaan kuwa hadda hoosta ka galay ee Daljir, Ictisaam iyo qabiilka ku awrkacsanaya? Maya, ma lahan capacity-geedii iyo capability-geedii. Sida ay isaga daba-wareegayaan ayaa korkooda wax lagu dul-dhisan doonaa oo Itoobiyaanku guulo yaab leh ayay ka keeni doonaan dhinaca siyaasadda (first political move). Maxaa la gudboon madaxweynaha cusub? Waa inuu ka fekeraa siduu ku balance-gareyn lahaa kuwa doonaya in political culture-kii horey meesha u yaallay lagu sii socdo iyo kuwa doonaya in la beddelo the corrupt system ee is-beddeldoonka ahaa, oo aan marnaba ka seexan doonin inay ummaddooda u hiiiliyaan.
 
Hambalyo Madaxweyne Farmaajo. Guuleyso balse is ilaali, miinooyin iyo maafiyo badan ayaa dhex daadsan Muqdisho, adiguna si fiican ayaan kuu ogahay oo ma tihid nin fahamsan the nuances and the real dynamics of the Mogadishu Mafia. Haddii aad dhisto oo aad gacanta ku qabato afar institution, wax halis ah kuma gelin doonaan maafiyada, umana baahan doontid inay kugu handadaan ‘annagaa power base kuu ah’. Waxaa kaddib loo gudbi doonaa one man one vote election in 2020.
 
Allahayow sidii roon.
 
 
Xigasho:Maxamed Abanur.

Be the first to comment on "SIR CULUS DAMJADIIDKII 2aad WAA URUR CUSUB, OO FARMAAJO LACAGTA KA BAXSHAY!!!!"

Leave a comment