Video:-Saldhigii Milatari imaaraadka Carabta ee Berbera oo khasab lagu ansixiyay

Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Labada Aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaasi khasab ah waxaa loogu meelmariyay heshiis saldhig milatari loogu ogolaanayo dalka Imaaraadka Carabta inuu ka sameyso magaalada Berbera.

Kulankan wadajir ah ee Labada Gole ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo u ol’oleynayay in heshiiskan la meelmariyo.

Xildhibaannada kulankan ka soo qeybgalay ayaa gaaraya illaa 151 xubnood, cod heshiiskan la geliyaya ayaa waxaa ogolaatay in heshiiska la meelmariyo 144 xildhibaan, halka uu diiday Hal xildhibaan, waxaana ka aamusay 5 xildhibaan.

Heshiisyada noocan oo kale ah waxaa sharci ahaan ka dooda oo ogolaada ama diida golaha Wakiillada(Aqalka Hoose) oo kaliya, sida ku cad qodobkaka 53aad farqadda 3aad.ee dastuurka Somaliland.

Dhanka kale waxaa xiliga codayntu socotay Golaha ka dhacay gacan ka hadal sababay dhaawaca Lix Xildhibaan iyo xariga sadex Xildhibaan oo kale.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aaad

 

 

Be the first to comment on "Video:-Saldhigii Milatari imaaraadka Carabta ee Berbera oo khasab lagu ansixiyay"

Leave a comment