Wariye Axmed Cali Kilwe oo ay jirdileen Ciidamada Bada Puntland

4 ka mid ah Ciidamada PMPF Oo ii Jirdilay Si la yaab leh ka dib markii….

Waxay ahayd Qiyaastii 03:30PM (11 Febraayo 2017) Oo Galabnimo Xilliga Saacadda Geeska Africa, Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaan Marayey aniga oo Gaarigayga Wata Laamiga Meeraysane halka Maaliga uga Beegan Guriga UN-ka, halkaas oo ay waardiye ka hayaan Askar Ciidamada Badda Puntland ka tirsan (PMPF), waxaan doonayey inaan u leexdo dhanka Laamiga Dr Jimcaale ee dhanka Jidka 30-ka.

Laamigu wuxuu ahaa mid Mashquul ah, Marka aad leexinaysa waxaad ku qasban tahay inaad Gaariga Tartiib u wadid oo aad Fareejada u ridatid dhanka aad u leexanaysid, Waxaan ku war helay Askar Qaylinaysa oo leh “Waryaa horay u soco, ka dhaqaaq meesha”, waxaan ugu jawaabay “saaxiib ma taagni oo waan soconayaa, waana leexanayaa, teeda kale Laamiga ayaan taagnahay oo kuuguma imaan halkaad waardiyaynayso”, Askari ka mid ah ugu yaraan 10 askari oo meesha fadhiday ayaa igu yiri Kelmado Hooyo cay iyo Aflagaado Qaawan ah, markii aan iri Aniga Hooyaday ha caayin, anigoo markaas aad uga xumaa kelmaddaas, waxaa Daaqadda Gaariga soo istaagay mid ka mid ah Askarta oo aan Labbis ciidan hub midna Sidan.

Wuxuu u yiri Isagoo isna caytamaya meesha ka dhaqaaq, ogoow markaas Gaarigu waa soconayaa balse waxaan fursad siinayaa Gawaarida Seedka ama dhinaca Laamiga Xaqqa u leh inay i dhaafaan, Askarigii Hooyo Cayga waday ayaan jawaab u celiyey, hase yeeshii kii daaqadda soo istaagay ayaa iskugu daray “waryaa askariga Maxaad u caayeysaa” iyo Dharbaaxo wajiga ah.

Intaas ka dib si toos ah ayaan u xanaaqay waana xakamayn waayey dabeecayda, gaariga ayaan si fudud uga degay, waxaana aan is qabsanay askarigii i dharbaaxay, waxaa yaab lahaa, Markii aan ku war helay ugu yaraan 3 askari oo kale oo dhinacyada iga taagan oo igu garaacaya Qoryaha ay wataan qaybtooda dambe ( Baadka Qoriga), iima suurtagalin inaan is difaaco maadaama 4 gacmood igu socdaan, waxaan dhulka iskula dhacnay Askarigii markii aan hore aan is haysanay, ka dib waxaa si habsami leh iigu dhacaysay Jug xoog badan.

Dadweynuhu waxay taagnaayeen Haraaraha Laamiga..waxayna Daawanayeen sida wax u socdaan.

Intaas ka dib Gaariga ayay furaha kala baxeen Anna waxay ii kaxeeyeen halkii ay waardiyaha ka haysteen, waxay isku dayeen inaan isla markiiba meesha ka tago, balse waan diiday waxaanan go’aansaday inaan arko oo la kulmo Taliyeyaasha iyo Masuuliyiinta Ciidankaan Tabcaaran ee aan cidna u aabbe-yeelayn.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la kulmay Sarkaal la ii sheegay inuu ugu sarreeyo Gobolka Nugaal Ciidamada PMPF, wuxuu ii qaabilay si masuuliyad leh, iga dhageystay sidii wax u dhaceen, wuxuuna iisoo jeediyey inaan Raali ahaado oo aan iska tago, isaguna uu tallaabo ciidan ka qaadi doono, Raaligelinta waan ka qaatay iyo inaan la tago dhibka i gaaray, laakiin taas waxaan ku xiray inaan Goob u ahaado, nooca cinqaad ee ay mari doonaan Askartaasi, wuxuu aad uga war wareegay inuu i tusi karo waxa uu ku samayn doono 4-ta Askari, Balse waxaan ku adkaystay inaan u baahnahay sida ay u inaan Cinqaabtaas ogaado nooceeda, Si Kastaba ha ahaatee wuxuu Qorigii ka dhigey Askarigii Gacan qaadka ugu horreeyay, wuxuu igu qanciyey inaan Lambarada kala qorono oo uu ila soo hadli doono, sidii ayaan yeelnay waana ka tagay.

Balse Caawa waxaa ila soo xiriiray Taliyaha Guud ee Ciidamada PMPF oo ii sheegay in uusan ku Qanci doonin, Cinqaabta Taliskooda Nugaal oo Askartaas u qorsheeyay ee uu bixin doono Amar isaga toos uga imaanaya oo sharaxaya Cinqaabta loo baahan yahay inay maraan Askartaas.

 

 

 

Xaaladayda Caafimaad..

Dhammaan Asxaabta iyo Qoyska iyo Qaraabada, waxaan u sheegayaa inaan Caafimaad qabo, marka laga reebo Jugo Xoog leh oo isoo gaaray una badan dhanka Madaxa, hadda waan roonahay waxayse noqon ma aqaan..

Xiriiradayda dhanka Saxaafadda..

Waxaan la xiriiray Wariyeyaal aan Saaxiibo nahay iyo Ururka Warbaahinta Puntland ee Map Puntland, waxaan ku Kalsoonahay inaan ku guulaysto in la Yareeyo Tacadiyada Askarta Dawladdu ay u ku hayso shacabka…

Mahadsanidiin

Be the first to comment on "Wariye Axmed Cali Kilwe oo ay jirdileen Ciidamada Bada Puntland"

Leave a comment