Xumbo iyo xiiso wax ay xejiyaan runtu waa ka culus tahay.!!!W.Q,M.A.Caraale

Doorashadii Madaxweyne farmaajo waxay dad badan oo Somaliyed iyo Beesha caalamka ku noqotay wax lama filaan ah oo aan looba fadhiyin.
 
Dabaal degyo iyo soo dhaweyn xamaasadaysan ayay shacabka Somaliyed ee dhibaatadu daashatay kala hortageen Doorashada Farmaajo, iyagoo ka filaya sida isaguba ku yimid isbadal dhaama waxii ay soo arkeen 25-kii sano ee lasoo dhaafay.
 
Hadaba Qormadan kooban waxaa fikirkiisa ku cabiray Qoraa M.Aadan Caraale oo ka mid ah aqoon yahanka Somaliyed.
 
 
Xumbo iyo xiiso wax ay xejiyaan runtu waa ka culus tahay.!!!
 
 
Waxaan soo dhoweynayaa – kacaan oran mayee – isbeddelka madaxweyne ee ka dhacay Soomaaliya 08/02/17.
 
Waxaan u soo dhoweynayaa si aan ka yarayn kana badnayn sidii aan u soo dhoweyn jirey doorashooyinkii hore. Sababta oo ah,miisaanka aan wax ku cabbirayo xamaasaddu culays uma siyaadiso.
 
Waxaan u rajaynayaa madaxweynaha in hawshu u fududaato oo uu helo wada shaqayn iyo dedaal dheeraad ah oo wadareed.
 
Waxa aanan ka fileyn in uu mucjiso keeno.
 
Waxa aanan la yaabeyn haddii uu wax soo kordhin waayo. Maxaa yeelay caqabadaha 26 sano inoo diidey in aan dawlad taam ah mar kale noqonno, kuwo xamaasad iyo xuuxin lagu didin karo ma aha oo ka xididda dhaadheer.
 
Haddii uu Farmaajo xamaasadiisa xujooyin iyo xargo ad’adag ku furfuri karo, burcadna bir waa uu ku loodin karaa.
 
 
 
WQ.M.A.Caraale

Be the first to comment on "Xumbo iyo xiiso wax ay xejiyaan runtu waa ka culus tahay.!!!W.Q,M.A.Caraale"

Leave a comment