22-ka bishan oo loo asteeyay Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajao ayaa lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacday sideeddii bishan.

 

Xubnaha  Guddiga  qaran ee loo xilsaaray xaflada oo ka kooban 8-qof waa dhammaantood ku jiraan gollaha wasiiradda ee xukuumadii Cumar cabdirashiid ee waqtigeedu dhammaaday, waxaana ka mid ah:-

  1. Cabdullaahi Axmed jaamac “ Ilkajir” -Guddiga Addegga iyo diyaarinta goobta.
  2. Cabdirisaaq Cumar Maxamed  -guddiga sugida Amniga
  3. C/raxmaan xuseen Odowaa-  Guddiga sugida amniga
  4. Axmed Cali Kediye  Guddiga Habmaamuuska iyo xiriirka Caalamiga.
  5. Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” guddiga maaliyada.
  6. Muddane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte Xiriiriye.
  7. Siciid Xuseen Ciid Guddiga diyaarinta Barnaamijyada
  8. Maxamed Cabdi Xayiri “ Maareeye”  Guddiga Warbaahinta iyo Iclaamka.

 

 

Be the first to comment on "22-ka bishan oo loo asteeyay Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo"

Leave a comment