Axmed Madoobe”Hadii la waayo taageero waxaa dhici karta in rajada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ay hoos u dhacdo”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in howlo badan ay haatan horyaalaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay si howlahaasi loo fuliyo inay muhiim tahay in dowladdu ay hesho taageero badan asaga oo si gaar ah u sheegay inay muhiim tahay in beesha caalamka ay garab istaagto Dowladda Soomaaliya.

“Hadii la waayo taageero waxaa dhici karta in rajada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ay hoos u dhacdo, waxaa muhiim ah in Amniga laga lagala shaqeeyo dowladda, sababtoo ah hadii aanan ammaan jirin waxba ma soconayaan.”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed waxay ku hanweynyihiin in dowladdiisa ay wax badan ka qabato arrimaha ammaanka iyo horumarka dalka.

Be the first to comment on "Axmed Madoobe”Hadii la waayo taageero waxaa dhici karta in rajada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ay hoos u dhacdo”"

Leave a comment