UAE Ma Waxay Aqoonsatay Gooni Isutaagi Somaliland?Abdihakim H. Hersi

Iskutagga Imaaraadka Carabta(UAE) Ma Waxay Aqoonsatay Gooni Isutaagi Somaliland? Maxayse Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabku ka Qabaan????

Taarikh Kooban

 

Imaraadka Carabtu waa dawlad xiriir dheer o soo jireen ah la lahayd Dalka Soomaaliya. Xiriirka labada shacab ayaa ah mid ka gun weyn kan labada dawladood. Walow xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Jaziirada Carbeed uu bilowday Diinta Islaamka ka hor, hadana wuxu aad usii xoogeystay bilowgii qarnigii 7aad oo ah markii Diinta Islaamka ay soo degtey. Wixii intaas ka dembeeyey xiriirka labada shacab wuxuu ahaa mid ku salaysan diin, dhaqan, iyo dhaqaale.

 

Labada dal waxay ka mid ahaayeen  aasaasayaashii ururka loo yaqaan Ururka Iskaashiga Dawladaha Islaamka ah (Organization of Islamic Cooperation (OIC)) oo la aasaasay 1969. 2011 ayaa magaca urukaas loo bedelay Organization of Islamic Conference (OIC). Labada dal waxay kaloo kawada tirsanyihiin Ururka Jaamacadda Carabta (Arab League).

 

Hayaankii Shacabka Soomaaliyeed ee Gacanka Carabta

 

Hayaanka shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan dhanka dawladaha Gacanka Carbeed xoogiisu wuxuu bilowday 1970-1980. Wakhtigaas oo ku aadanaa markii uu ka socday wadamadaas mashaariic horimarineed oo baaxad weyn leh (economic boom).

Maadaama maanta shacabka Soomaaliyeed u badanyahay in da’doo ay tahay 30 jir iyo wixii ka sii hooseeya, waxay u badantahay inayna wakhtigaas waxba kala socon. Waxaa jirtay ragga ka soo shaqaysta Carabaha sanad ama labo, oo markaas wadanka fasax ku yimaada iyagoo kuus lacaga wata, in joogitaankooda magaalada laga dareemi jiray, khaasatan mukhaayadaha iyo huteelada. Markii danbe waxaa la oran jiray nimankii iska-rogayaasha ahaa baa yimid (al yacni sida gaariga iska-rogaha ah oo kale).

 

Waxaa kaloo jirtay in wadamaas u hayaameen Soomaali badan oo xoolahoodii uuga le’deen abaartii 1975. Kooxdani qasdigoodu wuxuu ahaa markay wadankii ku laabtaan inay xoolo gataan oo noloshii aabaartu ka baabi’isay dib usoo ceshadaan. Oo faanka, falakh-falakhda, iyo is-tuska Iska-rogayaasha kuma jirin. Balse waxay ku can baxeen hal hays la yiraahdo sabeeno u rog. Intaan aqoon, sabeen waa nefka idaha ah, oo dheddiga ah (haween), oo an weli curan (inan). Waxaa dhici jirtay qolayahani markay mushahaarka soo qaataan, oo tiriyaan lacagta, yey waxay oran jireen abooyaalow intee sabeenood bay goysaa? Ama markay mukhaayad wax ka cunaan oo xooga fiicanoo lacag uuga baxdo inuu yiraahdo, maanta ma sabeen dhan baan cunay? Allow Alle. (al yacni kharash ahaan). Intaas an uuga baxo xasuus wakhti an isleeyahay  wuxuu ahaa wakhtigii uugu fiicnashacabka Soomaaliyeed dhanka dhaqaalaha.

 

Burburki Soomaaliya Iyo Kala Taggii Laga Dhaxlay

 

Burburkii ka dib wadanka Imaaraadku wuxu noqday wadanka uugu horeeya oo ay Soomalidu la leedahay xiriir baayacmushtari. Ku dhwaad 60% dhaqdhaqaaqa baayacmushtarka Soomalidu wuxuu ku xiranyahay Imaaraadka Carabta. Soomalidu waxay u dhoofisu Imaaraadka waxaa uugu badan xoolaha nool iyo hilibka. Balse waxaa ciidaas iyo carradaas ka badan waxa dhankeeda laga soo waaridu oo iskugu jira cuntada iyo wixii la xariira, waxa wax lagu dhiso, gawaarida iyo dayactirkooda, waxa la isku yiraahdo elegtroonikska, wax yaabaha jirka la mariyo (cosmetics). Doomaha iyo maraakiibta qaada badeecadaan kala gadisan waxay ka baxaan dhanka Soomaaliya dekedaha waaweyn ee ay ka mid yihiin tan Berbera, Boosaso, Xamar, iyo Kismaayo. Waxaa kaloo jira dekedo macmil ah oo fara badan oo daadsan min Zeylac ilaa iyo Kismaayo.

 

Sida aynu wada ogsoon nahay, dagaalkii sokeeye wuxu Soomaaliya ka qarxay bilowgii 1991. Dhawr bilood ka dib, May 1991, Soomalilaand waxay ku dhawaaqday inay ka goosatay Soomaliya inteeda kale. Maanta oo ay ka soo wareegtay in ka badan 25 sano, wadan qur ah oo ay ictiraaf ka heshey ma jiro. Haddi ay halkaas taagan tahay, ma wayna ahayn in weli caalamku aqoonsanyahay wadjirka Soomaaliya?

Sida aynu la socono, Dawladda Iskutagga Imaaraadka  dhawaan waxay cilaaqaad milatari la gashay Dawladda Soomaalilaand kasoo ku salaysan inay saldhigyo milari ka suubsato deegaankaas.  Shalay ayey ahayd markii ay shaaciyeen Golaha Shacabka iyo kan Guurtida Soomaalilaand iany ansixiyeen heshiiskaas, wallow in badani ka soo hor jeedo.

Hadaba waxaa is weydiin leh:

 

  1. Dawladda Imaaraadku ma aqoonsantahay wadajirka Soomaliya, sida caalamka intiisa kale ay u wada aqoosanyihiin?

 

  1. Haddii ay aaminsantahay wadajirka Soomaaliya, ma weyna ahayn cilaaqaadka noocan oo kale inay la gasho Dawladda Dhexe ee Soomaaliya?

 

 

  1. Haddii ay aminsantahay wadajirka Soomaaliya, la galista cilaaqaadka noocan oo kale qayb ka mid qaybaha Soomaaliya, ma weyna ku xadgudbayn jiritaanka iyo qaraniamda Ummada Soomaaliyeed?
  2. Ma waxaa jira waxaynaan ogayn, oo ogolaashaha waxaa laga helay Dawladdi hore ee Xassan Sheikh?

 

  1. Haddi ay tan danbe jirto, Golahii hore ee Shacabku wax ma ka ogaa? Miyeyna ahayn in iyaga laga ansixiyo?

 

  1. Haddii aynan ogolaansho ka helin Dawladdii Dhexe ee Xassan Sheikh, ma wayna ahayn UAE inayna wax culays ah  iska saarin jiritaanka iyo qaranimada Shacabka Soomaaliyeed, oo ay danteeda qura fiirsanayso, iyadoo ka faaideysanaysa dawlad la’aanta kajirta Soomaaliya iyo qaraamdka yaryarka oo ay ku kala gadanayso uugana dhigayso af wax cunay xiisho madax ku-sheega Soomaaliyeed.

 

  1. Haddiise ayna aaminsanayn wadajirka Soomaaliya, oo ay Soomaalilaand uula dhaqamayso sidii dawlad ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale oo dhan, waxaa is weydiin leh waxa ku kalifay in horseed ka noqoto burburka Soomaaliya?

 

  1. Madaxweynaha cusub Mudane Farmaajo muxuu arintaan ka qabaa?
  2. Labada Aqal ee Golayaasha Shacabku maxay ka qabaan?

Ugu danbayn Shacabku muxuu ka qabaa arintaan???

 

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

Abdihakim h. Hersi

ahhersi@outlook.com

dhagaseynbloc.wordpress.com

 

 

Be the first to comment on "UAE Ma Waxay Aqoonsatay Gooni Isutaagi Somaliland?Abdihakim H. Hersi"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: