Akhriso:-Taariikh Nololeedkii Madaxweyne Cadde Muusse Rabi ha unaxariistee

إِنَّا للهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

GEERIDA MAXAMUUD MUUSE XIRSI BOQOR “CADDE”

Cadde Muuse wuxuu ka mid ahaa halyeeyo loo tiriyo waddaniyad Soomaalinimo, waxa uu ku dhashay Bender Bayla 1dii Julay 1937, wuxuuna Alla ha u naxariistee ku geeriyoodey dalka Imaraadka Carabta Arbacadii 8dii Febaraayo 2017.

Isagoo lix jir ah ayaa la geeyey Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare. Wuxuu lahaa shakhsiyad dhallinyaranimo oo ay firfircooni, bulshannimo, aragti dheeri iyo degganaansho ku dheehnaayeen.

Markii uu dugsigii sare ee ugu horreeyey Soomaaliya uu ka baxay, wuxuu shaqo ka bilaabay bangiga. Markuu muddo gaaban ka shaqaynayey, ayaa waxa soo baxay barnaamij saraakiil ciidan loogu qaadanayey. Wuxuu doontay in uu ka mid noqdo saraakiishii ugu horraysey oo loo qaadanayey ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliya 1959 oo uu waagii dambe ka gaarey derejada janan. Waxbarashada sare ee meleteriga wuxuu ku qaatay Kulliyadda Ciidammada dalka Talyaaniga ee Modena iyo Kulliyadda Dagaalka ee Frunze (Military Academy of the General Staff of the Armed Forces) ee dalkii Midowga Soofeeti.

Sarkaalnimadiisii hore, Cadde Muuse wuxuu ka qaybqaatay guushii Soomaaliya oo curdin ahi ka soo hoysey dagaalkii ay la gashay Ethiopia 1964. Hanaqaadkii sarkaalnimadiisa meleteri 1960maadkii ilaa horraankii 1970naadkii, wuxuu ka mid ahaa saraakiil sare oo si gaar ah loogu xushmeeyo gudashada kaalintooda ciidan ee difaaca Jamhuuriyaddii Soomaaliya muddadii xukuumadihii rayadka iyo tii kacaanka. Heerarkii hawlgallada ciidanka iyo dibolomaasiyadda oo kooban waxa ka mid ahaa:

Genaral Cadde Muse wuxuu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya galay 1959 isagoo layli sarkaal ah. Wuxuu soo dhammeeyey Akademiyaha Ciidammada Modena ee dalka Talyaaniga 1963 isagoo laba-xidigle ah, wuxuuna noqday Xoghayaha General Daauud.

2. 1965 wuxuu u dallacay Dhamme, wuxuuna noqday Taliyaha Ururka Horseed oo markaa Xamar fadhiyey.

3. 1967 waxaa loo diray Akademiyaha Sare oo Dagaalka, Dalka Talyaaniga. Wuxuu soo dhammeyey markii Kacaanku dalka qabsaday isagoo Gaashaanle ah. Waxaa lagu magacaabay Taliyaha Qaybta 21aad ee Beled Weyne isagoo loo dallacsiiyay Gaashaanle Dhexe.

 

4. 1971 waxaa loo beddeley Muqdisho, Hoggaanka Tababbarrda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

5. 1973 waxaa loo diray Akademiyaha Sare ee Frunze, dalka Midowga Soofyeeti, isagoo soo bartay Straateejiyada Guud ee Dagaalka Dawldaha. Wuxuu soo dhammeeyey 1974. Markuu soo noqday waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

6. Wuxuu ahaa mas’uulkii ugu horreeyey ee ku dhawaaqay Gurmadkii Abaartii Dabadheer, wuxuuna ka bilaabay gobolka in uu dadkii soo cayroobey ku xereeyo Xeryo Gargaar oo dawladdu ku biisho. Waxaa ugu yimid Madaxweyne- Ku-  Xigeenkii Ismaaciil Cali Abokor oo markuu ku qancay siyaasaddii General Cadde ku maamulay Abaarta la qaatay kuna dhawaaqay in gobolladii Abaartu ka jirtey sidaas oo kale loo maamulo.

7. 1975 aakhirkeedii markii abaartii hawsheedii la soo gabagabeeyey, waxaa loo beddeley Xamar, isagoo Gurmadkii Abaaraha lagu guddoonsiiyey Billad Qalin ah.

8. 1976 isagoo loo dallacsiiyey Sare Guuto ayaa loo magacaabay Safaardda Soomaalida dalka Shiinaha oo uu ka noqday La-Taliyaha Arrimaha Meleteriga.

9. 1979 waxa loo beddeley Safaaradda Soomaalida ee Ottawa, dalka Kanada, oo uu La-Taliyaha Guud Safaaradda ka noqday.

10. 1981 wuxuu ku biiray ururkii Somali Salvation Democratic Front (SSDF) isagoo ka soo duulay dalka Kanada, wuxuuna noqday Taliyaha Ciidankii SSDF.

Markuu ka soo laabtay Akademiyaha Modena, sannadihii 1963-1973 waxa uu ku caanbaxay sarkaal caaqibo oo laga jecel yahay ciidanka iyo saraakiisha meleteriga dhexdooda. Hawlaha kala duwan oo uu Xoogga Dalka Soomaaliya gudihiisa ka qabtay, una badnaa intuu ahaa Sarkaal Sare, General Maxamuud Muuse Xirsi Boqor “Cadde”, waxa ka mid ahaa in uu noqday Xoghaynta Taliska Ciidammada ee General Daauud, Taliyaha Qaybta 21aad iyo Hoggaanka Carbiska iyo Tababbarrada Ciidanka. Sannadahaas waxa lagu xusuusta hab-dhismeedkii wanaagsanaa ee gundhigga u ahaa meel-markii ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliya, laguna faanin karo saraakiishii waqtigaas oo uu ka mid ahaa Alla ha u naxariistee Cadde Muuse.

Dhammaadkii 1974 baa waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag halkaas oo uu laba sano ka ahaa mas’uul si weyn loogu mahadiyey waxyaabihii uu ka qabtay baahida dadweynaha gaar ahaan Abaartii Dabadheer 1974–1975. 1975 waxaa loo beddeley in uu La-Tayaha Arrimaha Meleteriga ka noqdo Safaaraddii Soomaalida ee Peking, dalka Shiinaha, halkaas oo uu joogey muddo 4 sano ah intaan loo beddelin Safaaradda Soomaalida ee Ottawa, dalka Kanada 1979, halkaasoo uu ka hayey xil ah La-Taliyaha Guud ee Safaaradda.

Markii uu ku qanci waayey xaaladihii dhaqan ee Kacaanka iyo kuwii Jabhadda SSDF, wuxuu ku laabtay Kanada oo reerku u degganaa. Muddadii dagaallada sokeeye, Maxamuud Muuse Xirsi “Cadde” waa ka maqnaa dalka, kumana yeelan wax raad ah. Wuxuu soo laabtay 2002dii isagoo siyaasi ah, markii la isku maandhaafay xaaja dastuur oo ku ekayd gobollada Puntland. Kacdoonkii arrinkaas ka dhashay waxa ay isku qoonsadeen siyaasaddii saaxiibkiis Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo madaxweyne ka ahaa Puntland. Xurguftaas waxa ay labada oday si lama filaan ah uga heshiiyeen horraankii 2003dii. Heshiiskaasi wuxuu baajiyey dagaal iyo colaad sookeeye oo lagu riiqmo, taasoo ay Marxuumiintu Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf kaga mutaysteen ammaan, tixgelin iyo abaalmarin Soomaalida iyo beesha caalamkaba.

Cadde Muuse wuxuu ku guulaystey doorashadii madaxweynanimada Puntland 8dii Janaayo 2005 muddo afar sannadood ah. Afartii sano oo uu madaxweynaha ka ahaa Puntland wuxuu dhisay maamul kooban (16 wasiir ah oo ay kala-bar yihiin kuwii maamulkii ka horreeyey ee Cabdullaahi Yuusuf), kuna mintiday arrimaha ammaanka dalka, nabadaynta beelaha iyo sidii dawladda federaalka Soomaaliya u hanaqaadi lahayd. Isagoo aanu caafimaadkiisu wanaagsanayn oo kelli laga beddeley intii uu madaxweynaha ahaa, General Maxamuud Muuse Xirsi wuxuu dadaal u galay in uu Puntland u soo hooyo maalgashi iyo mashaariic dibadeed, ayna ugu weynaayeen mashruucii shidaal baarista iyo kuwii Shirkaddii Loota (dalka Imaraadka Carabta) ee dhammaystirka Garoonka Diyaaradaha iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso.

Indheergarad reer Puntland ah oo yiqiin ama la shaqeeyey baa ka bixiyey erayadan qeexaya shakhsiga uu ahaa Cadde Muuse:

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ay saaxiib ahaayeen Cadde wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa wax badan iyo waaya-arag marar dalku dhibaataysnaa iyo marar uu berri-samaaad ku jirey. Wuxuu ahaa askari, waddani, siyaasi iyo oday, debecsan, mar walbana wanaag fisha”.

General Cabdirisaaq Shiikh Cismaan oo uu Cadde Muuse madax u ahaa ilaa 1971 lana shaqayey wuxuu ku tilmaamay: “Bulshay dabeecad macaan oo dadka la shaqeeya dereja kasta ha lahaadeene ku dhiirran karaan in ay baahidooda ula tagaan iyagoo ku kalsoon in uu niyadsami ku qaabilayo iyo in ay ka heli karaan waxay ka doonayaan”.

Axmed Cali Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay wada shaqayn lahaayeen intii uu Cadde Madaxweynaha ahaa wuxuu yidhi: “Wuxuu ahaa xeeldheere meleteri, aqoon sare ku soo qaatay meela badan, dereja sarena ku gaarey. Waxaanse anigu ku bartay intii uu madaxweynaha ahaa in uu ahaa dhaqan-xeeriye nabadda, dul-qaadka iyo tanaasulka ka hormariya gardarrada ama wax kasta oo dhalin kara dagaal haddii uusan ka fursan waayin”.

Caaqil Maxamuud Siciid Aw Muuse oo ay wax badan wada shaqeeyeen wuxuu kelmed ku yidhi: “Wuxuu ahaa nin gacan qabow, samir badan, dadkuna u siman yahay”.

Dr. Maxamed Cali Yuusuf, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore iyo Wasiirkiisii Maaliyaddu wuxuu xusay: “Cadde wuxuu lahaa dhaqan boqor, masalan haddii ay qof isqabataan oo qofkaasu ka jid leeyahay wuxuu ahaa nin garnaqsada oo ka garbaxa kana soo noqda khaladkiisa.”

Murwa Barni Axmed Xaashi oo aqoon fiican u lahayd waxay ku tilmaantay: “In uu Cadde Muuse ahaa deeqsi, geesi iyo rixin naxariis badan”.

Siciid Faarax Yare oo ay wada shaqeeyeen muddadii uu wadey Barnaamijkii Astaynta Maamul-Wanaaga Puntland wuxuu ka maqlay laba arrimood oo uusan illoobin. Tan hore, markii la hordhigay talooyinkii Xafiiska Astaynta waxa ka mid ahaa in la dhimo shaqaalaha iyo hawlwadeenka wasaaradaha iyo hey’adaha laguna koobo in ay qaadi karaan waaxyohoodu. Alla ha u naxariistee, Cadde intuu madaxa hoos u lulay buu wuxuu yiri: “Waxaan u imi in aan dadka wax taro, uma imaan in aan qof dab u shidan yahay dabka ka bakhtiiyo”. Tan labaad, marar la hadlayey kooxo kala geddisan oo danaynayey arrimaha shidaalka, wuxuu hadalkiisa ku bilaabi jirey: “Waxaannu nahay dalka iyo dadka ugu fakhrisan uguna qanisan adduunka”.

Ugu dambayntii, General Maxamuud Muuse Xirsi Boqor kama dhiman qoyskiisa iyo dadka reer Puntland, sidii uu hore u yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ee wuxuu ka baxay ummadda Soomaalida oo dhan. Cadde Muuse wuxuu ahaa boqor, janan qaran iyo madaxwene ay u dhan yihiin haybaddii iyo waxgaradnimadii sifooyinkaas laga arki jirey adduunka.

Alla ha u naxariistee, Marxuumku wuxuu ifka kaga tegey xaas iyo 6 carruur ah (2 wiil iyo 4 gabdhood) oo ay dhaleen.

Ururintii iyo Qalinkii: Siciid Faarax

Wixii ka dhiman, khaldan ama ku gafey baroor-diiqdan kooban, waxaan u aanaynayaa xog-la’aan iyo waqti ciriiri ah. Ciddii wax ku dareysa ama ka dhimeysa, fadlan ha igala soo xiriidho e-mail: sfmohamoud@gmail.com

Be the first to comment on "Akhriso:-Taariikh Nololeedkii Madaxweyne Cadde Muusse Rabi ha unaxariistee"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: