farmaajo oo ka cudur daartay Kasoo qaybgalka Aaskii Qaran ee Madaxweyne Cadde

Madaxwenaha cusub ee Somaliya oo maalmo ka hor sida lama filaanka ah ugu soo baxay Doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Muqdisho ayaa ka cudur daartay kasoo qaybgalka aaska qaran ee Madaxweyne Cadde Muuse loo sameeyay.
Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa ka mid ahaa madaxdii Qaran ee la filyay lana qorsheeyay in ay kasoo qaybgalaan aaska,waxaana gaartay fariintii loogu sheegayay in uu kasoo qaybgalo aaska Madaxweynaha Geeriyooday rabi ha unaxariistee,balse waa ka cudur daartay imaansha Aaaska-qaran..
 
Ilaa iyo hada lama oga sababta dhbata ah ee kaliftay in uu ka baaqdo aaska Qaran ee Madaxweyne Cadde loo sameeyay,balse waxaa la ogsoon yahay in farmaajo uusan jeclayn Puntland iyo Maqaabkeeda wax niyad ahna uusan u ahayn, baaqashadiisuna wa mid markale muujinaysa halka uu ka taagan yahay Reer Puntland.
 
Aaska Qaran ee maanta loo sameeyay Madaxweyne cadde ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin sar sare oo ka kala tirsan dawlada Fadaraalka iyo dawlada Puntland,waxaana hormuud u ahaa RW Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Gaas.
 
Madaxweyne Cadde Muuse ayaa maalmo ka hor ku Geeriyooday Magaalada Dubai oo saldhig u hayad waayadii danbe.
 
Madaxweyne Cade Rabi ha unaxariistee waxuu ahaa mid ka mid ah Madaxdii loogu jeclaa ee soo maray Puntalnd,sidoo kale waxuu ahaa Oday ama siyaasi siw eyn looga qadariyo guud ahaan Somaliya masuuliyad kala duwna kasoo qabtay,sidoo kale qayb lixaad leh kasooq aatay geedi socodkii lagu raadinayay dib usoo celintii qaranimada Somaliyed .

Be the first to comment on "farmaajo oo ka cudur daartay Kasoo qaybgalka Aaskii Qaran ee Madaxweyne Cadde"

Leave a comment