Video:-Farmaajo loo sheegay in uusan u hanqal taagin soo magaacabida RW aan Abgaal ahayn

farmaajo ayaa ku mashquulsan soo xulashada Rw ay isla jaanqaadi karaan, Madaxweynaha ayaa Isbaarada adag ee hortaala ay tahay, in uusan soo dooran karin qof walba  ama beel walba, kaliya uu dooran karo nin ka soo jeeda beesha Hawiye, markii la eego ama la tixgaliyo nidaamka  4.5 ee  awood qaybsiga dalka.

Beesha Abgaal ayaa iyadu waxay aaminsan tahay in ay xaq u leedahay Rw marka laga dhex hadlayo Hawiye dhexdiisa,madaama ay iyagu yihiin Beesha ugu badan ee degta caasimada,isla markaana ugu tiro badan Beesha hawiye oo aan xataa  maamul goboleedyada Dalka ka jira aan midna madax ka ahayn.

Beesha Habar Gidir ayaa iyana qabta in markan uu doorkeeda yahay oo ay iyadu xaq u leedahay kursigaas,madaama Abgaal ay soo qabteen kursiga Dalka ugu sareeya dhawrkii sano ee u danbeeyay.aragtidaas waxay taageero uga haysataa beelaha kale ee hawiye oo aysan ku jirin Beesha Abgaal.

Waxaa jira iyaguna kooxo kale oo ku wareegsan Madaxweyne farmaajo oo qaba in markan isbadalka laga dhabeeyo oo la gaarsiiyo in kursiga Rw aan lasiin Hawiye lagana soo xusho beelaha kale ee aan ahayn Hawiye ama Daarood,balse waxa kuwaas fikradooda diidan koox kale oo iyaguna talada Farmaajo qayb ka noqday maalmahan,kuwaasoo qaba in aan layska idho tiri karin  awood qaybsiga iyo muhiimada beesha Hawiye waliba Beesha Abgaal,,hoos ka daawo muuqaalka CCTV ka diyaariayya arintaas.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Farmaajo loo sheegay in uusan u hanqal taagin soo magaacabida RW aan Abgaal ahayn"

Leave a comment