Video:-Lataliyihii dhanka amaanka ee Donald Trump oo is casilay

Gen. Michael Flynn ayaa sheegay inuu xilka iska casilay kadib markii ayaa soo baxday inuu horey gorgortan iyo wadahadal kula jiray Diblumaasiyiinta Ruushka kahor intuusan xilka la wareegin Donald Trump. Taasi oo ka horimaaneysa sharciga loo yaqaan Logan Act.

Xog laga helayo Saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan ayaa sheegaya in Gen.Flynn uu Ruushka u balan qaaday inay ka qaadi doonaan cunaqabteynta uu Obama saaray marka uu xilka la wareego Donald Trump, arrintaasi oo si toos ah uga horimaaneysa shircigaasi loo yaqaan Logan Act.

Gen.Flynn ayaa ah nin si weyn u neceb Islaamka iyo gaar ahaan dalka IRAN oo uu ololeyn jiray in Maraykanka duulaan ku qaado. Wuxuuna buug uu horey u qoray ku tilmaamay Diinta Islaamka cudurka Kanserka oo loo baahan yahay in laga hortago,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Be the first to comment on "Video:-Lataliyihii dhanka amaanka ee Donald Trump oo is casilay"

Leave a comment