Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji.WQ.Cabdinaasir Biixi

Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji
Nin boqor ahaa baa wiil la’aani ku dhacday. Da’dii u dhalataaba waa gabar. Isagoo quus ka ah in boqortooyada wiil uu isagu dhalay ka dhaxlo, baa maalinkii dambe wiil u dhashay. Inkastoo boqortooyadii oo dhan arrinkaa looga dabbaaldegey oo muddo damaashaad socday, misana boqorka waxaa walwal ku qabtay farxaddiisiina kala dhantaalay wiilka oo hal dheg leh ayna dhici karto in ay gasho cuqdad dhaxalsiisa in uu boqor fiican noqon waayo.

 

Boqorkii wuxuu isugu yeeray lataliyeyaashiisii, arrinkii wiilka ayuuna u bandhigay. Waxay ku taliyeen, lataliye xun ileen lama waayee, in wiil kastoo dhasha dheg laga jaro.

 

Muddo kaddib waxaa soo baxay jiil wada dheg go’an, rumaysanna in ragga abuurkoodu sidaas yahay. Waa dambe oo wiilkii weynaaday, baa waxaa magaaladii yimid wiil dhallinyaro ah oo laba dhegood leh. Wuxuu noqday wax caadada ka baxsan oo loo soo daawasho tago lagana sheekeeyo folxumadiisa ilaa wiilkii ay dantu ku kalliftay in uu dheg is jaro si uu ragga ula mid noqdo.

 

Soomaalidana ninka wanaagsan ee daacadda ah markuu masuuliyad qabto intay doonto ha le-ekaatee, waxaa hafajinaya kuwa tuug ah oo meesha uga soo horreeyey ilaa uu ka mid noqdo amase uu cararo. Waxaa ayaandarro ah dadweynuhu in tuugtaas ay halyeeyo u yaqaanniin isla markaana ay rabaan wax fiican in ay helaan.

 

Waxaan u rajeeynayaa madaxweynaha cusub guul iyo in uu caqabaddaas ka gudbo.

Cabdinaasir Biixi

Be the first to comment on "Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji.WQ.Cabdinaasir Biixi"

Leave a comment