Isbeddel-iskuddaye.WQ,Gobaad Cumar Guuleed

Nin Cawaale la yidhaahdo baa muddo 27 sannadood ah iskuddayayay in uu isbeddel sameeyo. Wuxuu caawinayay qofka saboolka ah. Wuxuu dawo u iibinayay qofka xanuunsan. Wuxuu daryeelayay maatada. Wuxuu ka shaqeeynayay daminta colaadda, nooleeynta nabadda iyo walaaleeynta beelaha. Wuxuu u kala socdaalayay dhammaan deegannada Soomaalidu degto. Wuxuu ka yureeynayay cadowga Soomaali dilooday oo ah: aqoondarrida, qabyaaladda iyo wadajir-nacaybka. Marna hawshiisa kama aanu daalinnin, kama aanu niyadjabinnin. Har iyo habeen wuxuu naftiisa u hurayay wanaagga dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa. Dhowr jeer baa arrintaa darteed loo xidhey. Marar badan waxay naftiisu halis u gashay in la dilo oo la toogto. Eebbese waa ka badbaadiyey.

 

Aammusane nin la yidhaahdo ayaa ayaantii dambe Cawaale u yimid. Wuxuu iskuddayay in uu ka waaniyo hawsha halista leh ee uu ku jiro.

 

”Waxaan jeclaan lahaa in aan kaa waaniyo hawsha aad ku jirto ee halista ah”, ayuu Aammusane yidhi. ”Waa hawl aad keli ku tahay. Waa hawl aadan kelidaa qaban karinnin. Waa hawl aad naftaada ku waayi kartid. Waa hawl aadan wax natiijo leh ka gaadhi karinnin. Iskaga har, baan kugula talin lahaa.”

 

Xalane ayaa dhoollacaddeeyey. Waa goor galab ah, waxay labadooduba wada fadhiyaan barxadda makhaayad shaaha laga cabbo. Waxaa agtooda guurguurasho ku yimid sabool curyaan ah. Cawaale inta uu istaagay ayuu dhowr shilin miskiinkii siiyey. Dabadeed wuxuu Aammusane u sheegey: “Saddaqadaa iyo saacidaaddaa yarta ah ee aad arkayso ayaa isbeddel weyn sameeyn karta.”

 

Qofku wuxuu dareemaa in kelidii aanu waxba qaban karinnin, hayeeshee waxaa dhab ah in ruux kasta uu halkiisa wax weyn ka geeysan karo.

 

Gobaad Cumar Guuleed

London, 15.02.2017

1 Comment on "Isbeddel-iskuddaye.WQ,Gobaad Cumar Guuleed"

  1. Meesiska Gobo na soo Gaar siisey waa gu horay, geeloo dhalay iyo giyigo doogsi nabadoobay. Waa geesinimiyo garasho xeel dheere; garab istaag walaal iyo gobdhahayage
    Guuleyso waligaa Gobo qurxoon

Leave a comment