Kaydka Hubka ee Madaxtooyada Xamar oo lagala baxay Gaadiid iyo saanad Milatari

Hanti isugu jirta gawaari, agab kala duwan, iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay si xooggan u socotay arrintan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ku dhow Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ka dambeeyaan hantida lagala baxay Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood ahaa.

Gaadiid ay ka mid yihiin kuwa aanay xabadaha karin, gaadiidka ciidamada iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Keydka hubka ee Madaxtooyada oo ah Keydka 3aad ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ku lug leeyihiin xubno ku dhow Xasan Sheekh, saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo la sheegay in madaxtooyada ka tirsan yihiin

Inkastoo aanu Madaxweyne Farmaajo la wareegin Madaxtooyada, hadana waxaa maalmahan socotay hadal heynta la xiriirta arrintan oo u muuqata mid looga faa’ideysanayo kala guurka.

Arrintan ayaa wali wax war ah ka soo saarin Hanti dhowrka guud ee Qaranka, waxaana arrintan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah Xildhibaanada.

 

Be the first to comment on "Kaydka Hubka ee Madaxtooyada Xamar oo lagala baxay Gaadiid iyo saanad Milatari"

Leave a comment