Madaxweyne Faroole taxadar siyaaada ah ayaa looga fadhiyaa xiligan xasaasiga ah!!!

Madaxweyne Faroole Maanta ayuu Garowe dib ugu soo laabtay,isagoo kasoo kicitimay xarunta hay’adaha fadaraalka ee Muqdisho.

Hadaba Madaxweynuhu waxuu shir jaraa’id ku qabtay Gurigiisa uu garowe ka degan yahay,isagookaga hadlay arimo badan fariimo kala duwana diray.

Shirka jaraa’id ee madaxweynaha ayaa waxaa ka diday oo aad u dhibsaday shacabka Puntland intiisa badan iyagoo u arkay hadalada qalafsan ee Madaxweyne faroole in ay khatar keeni karaan.

Hadaba anagoo ka duulaynaa dareenkaas shacabka waxaan xasuusinaynaa in Madaxweyne faroole uusan ilaawin in Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf iyo Madaxweyne Cadde ay intooda badnayd Dalka uga maqnaayeen tixgalin ay tixgalinayaan Danta Dalka iyo Dadka oo waliba asagu codsaday in uusan ka shaqayn karin oo ay dalka dibadiisa dagaan.

Madaxweyne Gaas haduu aqbalay oo waliba mudnaan iyo tixgalin ugu daray Madaxweyne faroole in uu Garowe dago oo uusan wax dhib ah ku hayn joogistiisa dalka,saw muhiim mahan in madaxweyne faroole taa xushmeeyo oo ugu yaraan ku tixgaliyo sida uu u tixgaliyay xarig jiidka hoose ee siyaasadeedna hoos u dhigo,hadalada wax kala fogaynay karana iska ilaaliyo.

Maanta madaxweyne faroole waa in uu muujiyaa taxadar siyaada ah isagoo tixgalinaya xaaladaha jira iyo masuuliyadaha kala duwan ee uu hayo.

Madaxweyne faroole wal wal badan ugama qabno wax khatar ku ah dalka in uu qayb ka noqon doono ,balse hadalada qalafsan waxay fariin khaldan udiri karaan kuwa aan wax badan xeerin,sidoo kale waa kuwo wax sii kala fogaynaya..

Jibril Qoobey.

Be the first to comment on "Madaxweyne Faroole taxadar siyaaada ah ayaa looga fadhiyaa xiligan xasaasiga ah!!!"

Leave a comment