Madaxweyne Gaas Ma jiiri doonaa mawjadaha siyaasadeed ee kusoo fool leh!!!

Madaxweyne Gaas isbadal iyo jihayn deg deg ah ayaa laga rabaa xiigan.

Waa muhiim in Madaxweyne Gaas xaalka wax ka badalo,haduu rabo in uu ka hortago mawjadaha siyaasadeed ee kusoo wajahan oo xiligoodii la gaaray.

Madaxweynaha waxaa muhiim ah in uu isbadal muuqda sameeyo si uu xaalka Puntland oo dhaliilo badan ay ka muuqdaan dhinacayo badan wax uga qabto.

Hadaba taladayda aan u dirayo Madaxweyne Gaas ee ku aadan jihaynta shacabka ee xiligan ayaa ah sidatan:-

B.In uu si toos ah waxii uu dhaqaale uu heli karo uu ku bixiyo Ciidanka mushahaarkooda oo waliba isagu gacantiisa ku siiyo kana dhex muuqdo fadhiyadooda.

T.In uu isbadal la taaban karo uu ku sameeyo shaqaalihiisa Madaxtooyada.

X.In uu isku shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Kh.In uu ku dhawaaqo shirweyne balaaran oo mucaarad iyo muxaafad leh oo wax layska waydiinayo Puntland iyo xaalkeeda maanta.

Waxaan aragtidayda qabaa haduu intaa uu ku dhaqaaqo Madaxweyne Gaas in mawjadaha siyaasadeed ee kusoo wajahan uu ka hortagi karo oo fashilin karo.

Dawladnimada Puntland ha guulaysato.

Jibril Qoobey.

Be the first to comment on "Madaxweyne Gaas Ma jiiri doonaa mawjadaha siyaasadeed ee kusoo fool leh!!!"

Leave a comment