Video:-Somaliland oo u jawaabtay Dawlada Fadaraalka Soomaaliya

Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Heshiiskani ayaa ku saabsanaa saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ay ka dhisanayaan magaalada Berbera inuu ahaa heshiis sharci darro ah oo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay fara gelin ku heyso madax banaanida deegaanada Somaliland.

Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay colaad ka hurineyso deegaanadeeda, isla markaana ay qalad tahay inay soo fara geliso heshiiska,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Somaliland oo u jawaabtay Dawlada Fadaraalka Soomaaliya"

Leave a comment