Wariye Coldoon oo Hargaysa loogu xiray la kulankisii Madaxweyne Farmaajo awgeed

Hargeysa waxaa lagu xiray wariye Coldoon oo maalmahan joogay Magaalada muqdisho,isagoona qayb ka ahaa Taageerayaasha Madaxweynaha sida lama filaanka ah lagu doortay ee Farmaajo.waxuuna si gaar ah ula kulmay Madaxweyne farmaajo oo waliba ka sameeyay muuqaalo uu ku muujinayo taageerada uu u hayo.
 
Coldoon ayaa la xiray kadib markii Diyaarad uu ka raacay magaalada Muqdisho ay ka degtay magaalada Hargeysa, waxaana Wariyaha xiray garoonkana ka kaxeestay ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo horey ula sii socday imaanshihiisa.
 
Wali si rasmi ah looma oga sababta loo xiray Wariye Coldoon,balse waxaa Somaliland Danbi ka ah la kulanka madaxda Dawlada Fadaraalka iyo waliba ka qaybqaadashada siyaasada Xamar.

Be the first to comment on "Wariye Coldoon oo Hargaysa loogu xiray la kulankisii Madaxweyne Farmaajo awgeed"

Leave a comment