Hoobiyayaal loo waday Madaxtooyada muqdisho oo Guri shacab ku habsaday

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootey weerarka hoobiyaasha kuwaas oo laba kamid ah aya ahaayeen caruur, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa xiliga hoobiyaashu so dhacayeen, waxaana halkaas gaarey gawaarida gar-gaarka deg-dega ah.

Waxaa la aaminsan yahay in hoobiyaasha loo wadey xarunta Madaxtooyada oo ku dhaweyd halkaas laakiin ay seegeen bartilmaameedkoodi.

Hoobiyeyaal shan ah ayaa  loo Soo Tuuray dhanka Madaxtooyada Muqdisho,balse waxay  ku dhaceen Dhacay Xaafad Ku Dhegan madaxtooyada, halkaas oo ay ku dhinteen 3-Qof oo Labo Ay Caruur Tahay,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 Dhaawac ah,waxaana dumay Gurigii uu Hoobiyuhu kusoo dhacay..

Xiliga uu soo dhacayaan hoobiyayaashu waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kuwada sugnaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ahayd halasaac kadib markii uu xilka Madaxtooyada Dalka la wareegay Madaxweyne farmaajo..

 

 

Be the first to comment on "Hoobiyayaal loo waday Madaxtooyada muqdisho oo Guri shacab ku habsaday"

Leave a comment