Video:-Cali Khaliif oo si rasmiya uga mid noqday horgalada u shaqeeya Somaliland,kana soo dagay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Puntland oo sideedii sano ee u danbaysay ay xoog ku joogeen Ciidamada maamulka Somaliland, ayaa waxaa Goor dhowayd kasoo degay diyaarad siday Cali Khaliif iyo kooxdisii oo ka soo kicitimay magaalada Djibouti.
 
Cali iyo kooxdiisa ayaa maalmahan u joogay Magaalada Jabuti wada hadalo u socday isaga iyo Somaliland.
 
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha macmalka ah ee Laascaanood ayuu ku sheegay in wada hadaladaas ay bilaw yihiin meel wacana marayaan.
 
Cali Kahliif iyo kooxdiisa la socotay ayaan gudaha u galin Magaalada Laascanood waxayna si toos ah ugu gudbeen dhanka Hawdka iyo tuulada Widhwidh oo ay deegaan ahaan degaan Qoyskiisa hoose ee Bah-Ararsame ,
 
Cali Khaliif oo fadhigiisu ahaa waayihii danbe Magaalada Buuhoodle Gobolka Cayn ee Puntland, ayaa hada u muuqda in uu san dib ugu laabanayn, kadib markii kacdoon shacab oo isaga looga soo horjeedo uu ka bilawday, Kacdoonkaas ayaa sababay in Diyaarad uqaadi lahayd Cali Khaliif Dalka jabuti xiligaas loo diido in uu ka raaco garoonka Diyaaradaha Buuhoodle,sidoo kale loo sheego in uu iskaga baxo magaalada dibna uusan ugu soo laaban.
 
Cali iyo koox la socotay ayaa ugu danbayntii iskaga soo baxay Buuhoodle una soo jihaystay safar dhanka dhulka ah oo ku soo gaaray Magaalada Hargaysa,
 
 
Cali iyo kooxdisii ayaa markii danbe Hargaysa ay kasoo qaaday diyaaradii loo diiday in uu Buuhoodle kasoo raaco.taasoo usoo qaaday dhanka magaalada jabutiiyo wadahadaldii isaga iyo Somaliland.
 
Shacabweynaha Beesha Dhulbahante oo markii hore cali u garaacay Durbaan la yiraahdo dib u xoraynta Laascaanood iyo iska dhicinta Somaliland.ayaa hada ka hor yimid Cali Khaliif Galayr iyo Ruwaayadisii, shacabka ayaa u arka nin ku fashilmay masraxa siyaasada siyaasada.isla markaan toso ugu shaqeeya Somaliland.
 
 
Cali Kahliif oo hada ku sugan Tuulo yar oo jifidiisa hoose ay degto ayaan la cadayn karin in uu markale isku dayo dib ugu laabashada magaalada Buuhoodle.
 
Cali ayaa ku eedeeyay Puntland in ay ka danbaysay kasoo bixidiisii magaalada Buuhoodle,waxuuna hanjabaad maalmo ka hor uu saxaafad soo mariyayna waxuu ku sheegay in Puntland ay siku joogaan oo uusan uga harayn hagar daamada ay ku samaysay,hoos ka daawo muuqaalada.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Halkan ka daawo muuqaalka 3aad

1 Comment on "Video:-Cali Khaliif oo si rasmiya uga mid noqday horgalada u shaqeeya Somaliland,kana soo dagay Laascaanood"

  1. Mohamed Ali Xaniye | February 17, 2017 at 10:02 am |

    Ali Khaliif waa shakhsi ku tala galay inuu inta Dhulbahane ka hadhay isasii raciyo hadaan laga qabana shicib waynaha Siccid Harti wuu isasii raacindoona.
    .Tallo ku socota Dhulbahante.
    Fadlan walalayaal dadka uguma liidataan inaad ka wanagsantihiin mooyaane, dunada talo iyo isafgarad ayaa hor’umar lagu garaa ee si hoose u wada fadhiista dhulka Iidoor ku warwarnayana kasaara.
    Tallo ku socota Majeerteen.
    Majeerteen hadaad u moodeen diilinta laamiga ah inay dunida ku idishahay dib intaad iskugu noqotaan xisaab wanagsan la’imaada wayo waxa la’idunku haystaa waa dhul iyo waliba dad. Hadaad hurada ka kiciwaydaan manta Bossaaso iyo Qardho waykala go’idoontaa waayo Dubays wuxuu dagaa dhawr magaalo oo lamiga ku taala, sida Iidoor wadana waa inay DARIS LA NOQDAAN MAJEEREEN 20 SANO KADIB! khiyaaliga aad iska dhaadhiciseen ka kaca umadana wax laqaybsada iiman la’anta isk daya.

Leave a comment