Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo si rasmiya ula wareegay xilkii Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda xil wareejinta waxa ay ka dhacdey xafiiska madaxweynaha, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Faylka Qaranka ku wareejiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wareejiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xil wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore, dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey  afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uu sheegay in  Soomaaliya ay u bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag ay wada qaban doonaan shacabka iyo dowladda.
“shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tahay taageeradooda,  waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan, waxba kuma qaban karno bilo kooban, laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan bulshada caalamka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed  iyo beesha caalamka oo uu xusay in la’aantooda la soo gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah, sida ay ula soo shaqeeyeen afartii sanno.
                                       —DHAMAMAAD–

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Halkan ka daawo muuqaalka 3aad

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo si rasmiya ula wareegay xilkii Madaxtooyada Soomaaliya"

Leave a comment