Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta in gacanteeda lagu soo celiyo Hawada Dalka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Cali Axmed Jaamac “Jangali” ayaa xarunta ICAO ee Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria   waxayna ka wada hadleen sidii loo dardar galin laha soo dhameystirka qalabka hagidda diyaaradaha ee loo iibinayo Soomaliya.

Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa siddeed garoon oo ka mid ah Soomaaliya iyo xarunta cusub ee laga hagi doono hawada Soomaaliya ee dhawaan laga dhisay Garoonka Muqdishu, ayadoo marka la dhameystiro ka dib ay Soomaaliya inta badan hawadeeda aanay ka dhici doonin xiriir xumo, waayo qalabka cusub ee laga dalbay  Shirkad Talyaani ah ayaa ka dhigaya Soomaaliya  inay yeelato VHF Coverage si Somaliya ula mid noqonayso dhamaan dawladaha deriska ah.

Waxay isla qaateen Wasiir Jangali iyo Guddoomiye Dr Aliu  in qalabkaani uu dabooli doono baahida xoojinta xiriirka hawada ee maamulka hawada Soomalia korna uu u qaadaysa shaqada loo qabto diyaaradaha dulmara Soomalia, ayadoo nabdgalyadooduna ay wanaagsanaan doonto. Sidoo kale waxaa kordhi doono dhaqaalaha laga qaadi doono diyaaradaha isticmaala hawada Soomaliya.

Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday in la dardargalin doono kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo kuwa cusub ee la qorayo si marka loo guuro Muqdisho ay dawladda Soomaaliyeed noqoto mid isku filan.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan soona dhowaysay waqtigii hawada Somaliya laga hagi lahaa Soomaaliya. waxa wasiir Jangeli uga mahad celiyey Guddoomiyaha Golaha ICAO (ICAO COUNCIL) iyo madaxda ICAO wada shaqeyntii wanaagsanayd ee ay la lahayeen intii uu hayey xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Ugu danbeyntii wuxuu Guddoomiye Dr. Aliu ballan qaaday inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya  Mudane Moxamed Cabdillahi “Farmaajo”  uu si dhakhsi ah warbixin uga siin doono arrintan.

Be the first to comment on "Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta in gacanteeda lagu soo celiyo Hawada Dalka"

Leave a comment