DOORKA MUWAADDINKA. WQ.Axmed Garmaqaate.

DOORKA MUWAADDINKA.

Waxaa qoray – Axmed Garmaqaate.

 

‘’Waa masuuliyadda shacabka inay ka ilaaliyaan Dawladdu inay khalad ku dhacdo’’ – Robert H. Jackson

Mudo dhan rubuc-qarni ayuu Dalkeenu la’yahay Dawlad dhexe oo saamayn xoogan leh, inbadan oo ka mid ah bulshada qaybeheeda wax laga waydiiyo waxay ku sababeeyaan arimo kala duwan hase yeeshee waxaan anigu sabab uga dhigayaa muwaaddinka Soomaaliyeed oo isagu aalaaba aan isa saarin mas’uuliyadii uu lahaa.

Markii dhanka kale laga eego bulshadu waxay u badan tahay kuwo aan aqoon Doorka Muwaaddinku leeyahay, halka qayb kalena iyaga oo yaqaan ay waayeen dhiiri gelin ku filan.

Inta aan aqoon Doorka Muwaaddinka waxay eersadeen ka maqnaanshaha Meesha ee hay’adii Qaranka u qaabilsanayd ku baraarujinta wadaninimada iyo dal jacaylka.

Waxaa xusid mudan in Dawladdii hore ee Soomaaliya ay u qaabilsanayd dhanka baraarujinta Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuunka Dadweynaha

 

Muxuu Kuu ogolyahay DASTUURKA Dalku?

CUTUBKA 2AAD; Qodobka 11aad, Nuqulka 3aad:

Xukuumadda ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad

 

Mas’uuliyadaha Muwaadinka:

  1. Barashada Dastuurku waxa uu u ogolyahay Dawladda
  2. Bixinta canshuuraha, dawladdu waxay wax ku qabataa waa canshuuraha ay ka hesho dadkeeda
  3. Innaad u codayso qofka aad isleedahay wanaaga dalka ayuu wadaa
  4. Soo gudbinta baahiyaha dad waynaha si toos ah ama iyadoo loo marayo Ururadda Bulshada.
  5. Difaaca Dalka markii ay timaado xaalad Deg-deg ah ama markii nabadayn gudaha ah lasamaynayo adoo xoojinaya ilaaliyeyaasha nabadda.
  6. U adeegida bulshada xiliyada masiibooyinka dabiiciga ah ay dhacaan ama mararka kale ee Dawladdu kuu baahato hab samafal ah.

Waxaa ay Soomaalidu inbadan horumar ka sameeyeen barisamaadkii waxa ay u baxsheen ‘’ISKAA WAX UQABSO’’ balse aad moodo in ay aad ugu adagtahay jiilalka dambe ee bur-burkii ka dambeeyay, taasina aytahay wax wayn oo naga maqan.

  1. Ilaalinta sharciga.

 

Hadaba Muwaaddin adigoo waajibaadkaaga ka soobaxaya ayaa hadana ladoonayaa inaadan u talaabin shaqooyinkii ay Dawladdu lahayd si aysan taasina caqabad u noqon intii aad lahayd wax hagaaji.

 

Waan kaaga mahadcelinayaa wakhtigaaga.

  • Axmed Cabdulqaadir Cumar (Garmaqate)

Ahmettcc17@gmail.com

Be the first to comment on "DOORKA MUWAADDINKA. WQ.Axmed Garmaqaate."

Leave a comment