Madaxweyne farmaajo oo magacaabay agaasimihisii Madaxtooyada iyo xubno kale

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta la wareegay kursiga xarunta madaxtooyada qaranka ayaa isla maanta magacaabay jagooyin muhiim ah.

Waxa uuna madaxweyne Farmaajo isla maanta u magacaabay la-taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka Xuseen Macallim Maxamuud “Damuumaaye”.

Mas’uulkani maanta la magacaabay ayaa waxa uu horey u soo ahaan jirey Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka,

Xuseen Daamuumaaye waa Muwaadin Somali-British, waxayna walaalo yihiin Xildhibaan Xasan Macallim Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Daljir.

Xuseen Damuumaaye waxa uu ka mid yihiin Saraakiisha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, wuxuuna horey mar uga mid ahaa La-taliyayaasha Madaxweynayaashii hore ee Arrimaha Ammaanka.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu Agaasimaha KMG ee Madaxtooyadda u magacaabay Danjirihii Soomaaliya u joogay midowga-Yurub iyo dalka Belgium Ambassador Dr. Cali Siciid Fiqi.

Xubnaha kale ee uu Madaxweynaha isla maanta magacaabay waxaa ka mid ahaaa Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada (Baratokoolka) loo magacaabay Qunsulkii Soomaaliya u joogay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga Siyaad Maxamuud Shire.

Mas’uuliyiintani maanta la magacaabay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen Hawl-wadeenaddii
guddigii ololaha doorashadda ee galaangalka xooggan u galay sidii loo soo dooran lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment on "Madaxweyne farmaajo oo magacaabay agaasimihisii Madaxtooyada iyo xubno kale"

Leave a comment