Doqon iyo Taroox.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

Nin tuug ah ayaa baadiggoob ugu jirey wax uu xado oo boobo. Wuxuu dabadeed isagoo waddo haya la kulmay doqon jidka marayay. Tarooxii wuxuu ninkii weyddiiyey in reero meelahan ka dhow yihiin oo deggan yihiin iyo in kale. Doqonkii wuxuu ku jawaabay: “Haayoo, reerkayga ayaaba kob dhow deggan”.

Tuuggii wuxuu kaddib doqonkii weyddiiyey dariiqa reerka taga. Wuxuu ku yidhi: “Jidkan toos u raac, wuxuu ku geeynayaa gurigayga, markaad aqalkayga gaadho, ha xadin alaabta ii taal ee xaggaa iyo xaggaa iigu jirta. Haddiise aad xaddo, aniga ii kaalay oo alaabtayda waan kaala hadhi. Kolkaan kaala hadhana dadka ayaan u yeedhi oo u sheegi, dadkuna ku dayn maayo oo waa ku dilayaa.”

Tuuggii wuxuu la yaabay ninka daacadnimadiisa iyo sebinnimadiisa iyo sida nin aanu garanayn uu ku aamminay oo ugu tilmaamay gurigiisa isla markaana u sheegey sirtiisa iyo halkuu wax ku kaydsado. Tarooxii isagoo wali doqonkii la yaabban ayuu sidii loogu tilmaamay intuu yeeley gurigii tagay oo qaatay wixii alaab ahaa oo halkaa yiilley oo dhan.

“Eebbow, ha ii waayin doqon sirtiisa iyo kaydkiisa ii sheega oo igu aammina!” ayuu tarooxii yidhi.

Sirtaada, sahaydaada, saadkaaga iyo saldhiggaaga saancaddaale waligaa lama siiyo

Gobaad Cumar Guuleed

London, 18.02.2017

Be the first to comment on "Doqon iyo Taroox.WQ.Gobaad Cumar Guuleed"

Leave a comment