Ganacsiga Jira Xilliga Kalagguurka Ah.WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

Ganacsiga Jira Xilliga Kalagguurka Ah

 

Fekerka weyn ayaa ka horreeya guusha weyn.

[Big thinking precedes great achievement.]

Wilferd Peterson [1900–1995]

 

Sayladda xoola-dhoofinta Soomaaliya waxay sannadkiiba dhantahay afar boqol oo milyan oo Dollarka Maraykanka ah. Waxaa muddooyinkii dambe xoola-dhoofinta Soomaaliya sameeyneeysey sannad kasta koror dhan boqolkiiba lix (6%), ka hor xayiraadihii Sacuudiga xoolaha saartay, sannaddii 2016kii iyo tii Imaaraadka Carabta sannaddii 2015kii.

 

Waxaa la ogsoonyahay in badi xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo waddammada Carbeed uu Sacuudigu ugu iibsi badan yahay, marka lagu jiro xilliga barakeeysan ee Xajka. Waxaa kale oo xoolo badan loo iib geeyaa waddanka Imaaraadka, kaas oo xirriir ganacsi oo xoog leh oo dhinacyo fara badan leh uu Soomaaliya la leeyahay.

 

Bishii tobnaad sannaddii 2015kii, digniinno dhowr ah kaddib iyo ugu yaraan hal digreeto heer wasaaradeed ah, ayay dawladda Imaaraadka xayiraad xoolaha Soomaaliya laga soo dejiyo saartay. Wuxuu Imaaraadku gaadhay oo go’aan xayiraad ku saartay xoolaha Soomaaliya. Sababtu waa xoolaha maxjarrada Soomaaliya laga soo dhoofiyo ay qabaan cudurrada faafa. Ujeeddooyinka maxjarrada loo unkay waxaa ka mid ah: quudinta, nafaqeeynta iyo marsiinta baaritaan xaaladdooda caafimaad ka hor inta aan la dhoofin, iwm. Sidaa darteed, waxaa saaran maxjarrada xoolaha dhoofiya waajibaad in la hubiyo in xoolo buka la dhoofin.

 

Waxa saraakiisha dawladda Imaaraadku bishii tobnaad 2015kii kulan la qaateen wariyayaasha qaar ka mid ah. Waxay si cad u sheegeen in mamnuucidda xoolaha Soomaaliya ayan dhowaanahan dhammaan doonnin. Waxay saraakiishu sheegeen in arrintu ayan ahayn wax ku saabsan siyaasad, balse tahay cudurrada faafa ee xoolaha iyo dalalka xoolaha soo dejiya.

 

Saraakiisha Imaaraadku waxay sheegeen in xayiraadda xoolaha Soomaaliya laga lahayn ujeeddo liddi ku ah Soomaaliya iyo xoolo dhaqatada kale ee gobolka geeska Afrika. Waxay saraakiishu sheegeen in go’aanka xayiraadda xoolaha Soomaaliya ku saleeysanyahay rabitaan ah in la difaaco macaamiisha iyo xoolaha Imaaraadka.

 

Maxjarradu Miyey Guuldarreeysteen?

 

Waxaan xusay in ujeeddooyinka maxjarradu u jiraan ka mid tahay in xoolo buka la dhoofinnin. Qoraalkan kuma saabsana xooluhu waa bukaan iyo waa caafimaad qabaan. Hayeeshee xayiraadaha ganacsi ee dawlado ka mid ah kuwa adduunka ugu hodansan ay saareen dal ka mid ah kuwa adduunka ugu saboolsan oo ugu nabadgelyo xun ayaa guuldarro ah iyo saameeyn xun oo dhaqaale yeeshay, gaar ahaan marka la eego in boqolkiiba lixdan iyo shan (65%) wadar bulshada Soomaaliyeed yihiin xoolo dhaqato sabool ah noloshoodu ku tiirsantahay iibgeeynta xoolaha ee waddammada Carbeed iyo deeqsinimada ehelladooda qurbajoogta ah.

 

Xayiraadaha xoolaha Soomaaliya waxa u sii dheer waa iyada oo imminka waddanka abaaro daran ka jiro, taas oo dhalisay dhibaatooyin halis ku ah badbaadada dadka iyo xoolaha. Tusaale, nafaqadarro, macaluul dad iyo duunyaba, barakac, kufsi, amniddarro, iwm. Kolka waxay weyddiintu tahay, miyey maxjarradu guuldarreeysteen?

 

Maxjarrada Soomaaliya waxa badi maammula waa shirkado waaweyn oo xoolaha ka ganacsada oo caalami ah, kuwaas iskaashi ganacsi la leh ganacsato maxalli ah oo caan ku ah ka ganacsiga xoolaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dano isdiiddan (conflict of interest) keentey hawlgallada maxjarrada. Taas oo sababi karta in cudurradu faafaan.

 

Dhakhtarrada xoolaha ee maxjarrada ka hawlgasha, waxay u shaqeeyaan ganacsatada maxjarrada iska leh. Waxaa la saari karaa cadaadis in xoolaha ugu badan saaraan maraakiibta iyo doonyaha sida suurtaggalka iyo macquulka u ah. Cadaadis awgii, waxa ka dhalan kara in xoolo si dhab ah caafimaadkooda loo baarinnin ama buka dhoofaan. Waxaa sidoo kale, marar sii horreeysay ay ka dhacday maxjarkii ugu horreeyey Bariga Afrika laga furo kaas oo laga furay Jabuuti. Ganacsatada maxjarka Jabuuti leh ayaa sidoo kale saami mug leh ku leh maxjarrada xoolaha ee Soomaaliya ku yaalla.

 

Xayiraadda Imaaraadka xoolaha Soomaalida saartay ma ahan wax weyn, waayo waa saylad kooban oo dhowr boqol kun madaxyo ah loo iib geeyo. Hayeeshee xaaladdan waxay tilmaamaysaa tuhun ganacsi buka oo u baahan in si deg-deg ah loo dayactiro.

 

Sacuudiga weeye sayladda ugu weyn waddammada Carbeed ee xoolaha ka soo doofsada waddammada gobolka Geeska Afrika sida Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan. Waxa Sacuudigu marar badan, af iyo qoraal, ka sheegey kulammo dadweyne iyo mareenno diblomaasi iyada ka codsatay dawladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada maxjarrada leh ee isugu jira shisheeye iyo Soomaali in xaaladdan xal u helaan oo ay hirgeliyaan.

Talooyinka Ugu Habboon

 

  • Hufnaan maxjarrada xoolaha dhoofiya;
  • In maxjarrada loo helo maalgeshiyayaal lahaanshaha gaar ahaaneed oo aragti dheer leh kuwaas oo maammula kana madaxbannaan ganacsatada iyo dawladda;
  • In dawladdu waajibaadkeeda gudato kuna ekaato kaalinteeda sharci-u-dejinta sayladaha iyo ilaalinta iyo ku kormeeridda maxjarrada.

 

Gunaanad

 

Haddii talooyinkaa la hirgeliyo waxa si kama dambeeys ah u soo af-jarmeeysa dhibaatada soo noqnoqotay ee ah xayiraadaha waddammada Gacanka Carbeed ku saarayaan ganacsiga dhoofinta xoolaha Soomaalida. Mana iman doonto dhibaato caaynkaas ah muddada tobbonaanka sano ee soo socota.

 

Ugu dambeeyntii, ganacsiga dhoofinta xoolo caafimaad qaba waxay dhabbada u xaareeysaa soo kabashada qaran fashilmay iyo xasillooni dhaqaale. Waxay billoow u noqonaysaa mustaqbal ifaya jiilal badan oo dambe.

 

Yaasiin Cabdullaahi Faash

19.02.2017

Be the first to comment on "Ganacsiga Jira Xilliga Kalagguurka Ah.WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: