Mulkiilihii Tv-ga Universal Axmed Abuukar oo Hargaysa lagu xiray

Mulkiilaha Taleefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal Inj Axmed Abuubakar ayaa lagu xirey magaalada Hargeysa,
 
Ax,ed Abuukar ayaa Ciidamada amaanka Somaliland ay xabsiga u taxaabeen ilaa iyo hadana lama xaqiijin karo sababta ka dambeysa xarigiisa.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo xirey Mulkiilaha Universal ay tahay barnaamijka qosol wareedka ah ee Faaliyaha Qaranka oo warar aysan jecleysan mas’uuliyiinta Somaliland laga daawaday, Kuwaasi oo ay ka qayb ka ahaayeen Warbixino ku saabsan Arinta magaalada Berbera, Go’aankii Dawlada Soomaaliya iyo Waliba Riwaayad Qosol leh oo ku saabsan.
 
Taleefishinka Universal ayaan illaa iyo hadda baahin xariga loo geystey Mulkiile Axmed Abuubakar, mana jirto wax war ah oo ay xarigiisa ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.
 
Dhowaan ayaa mid kamid ah jilayaasha ugu caansan dalka Soomaaliya Cabdi Muriidi oo loo yaqaan Ajakis kana mid ah barnaamij wareedka Faaliyaha Qaranka lagu xirey magaalada Hargeysa isagoo sheegay in jir dil lagu sameeyay.

Be the first to comment on "Mulkiilihii Tv-ga Universal Axmed Abuukar oo Hargaysa lagu xiray"

Leave a comment